Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble Oo Beesha Caalamka Iyo Amisom Ugu Baaqay Inay U Gurmadaan Dadka Lagu Laynayo Shabeelada Hoose.

image

(SMHargaysa)-xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa baaq u diray dadka ku dagaalamaya gobolada shabeelada Hoose ee dalka Somaliya.
Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu ku baaqay inay beesha caalamka iyo ciidamada Amisonba u gurmadaan dadka lagu laynayo goboladaas ka tirsan wadanka somaliya, waxaanu sheegay inay dadkaasi yihiin kuwo lagu soo duulay dhulkooda.

Ugu horayn xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka hadlaya dagaalada ka socda shabeelada Hoose ayaa waxa uu yidhi “Dagaalada ka socda goboladaas somaliya ka tirsani waa dagaal lagu hayo qoomiyad degan deegaanadaasi gaar ahaana beesha Biyo Maal oo ka tirsan beelaha dega deegaanadaasi,waxaanan maanta baaq u jeedinayaa beesha caalamka oo aan leeyahay umadaas lagu hayo xasuuqa oo la doonayo in laga hantiyo oo lagala wareego dhulkoodii iyo beerahoodii waa in loo soo gurmadaa, Amisona waxaanu leenahay u gurmada.” Ayuu yidhi xildhibaan Siciid Cilmi Rooble.

Sidoo kale waxa uu xukuumada Somaliland, xisbiyada mucaaridka ah iyo hay’addaha kala ee dawlada Somaliland u soo jeediyey inay ka hadlaan dhibaatada lagu hayo dadkaasi, waxaanu shacabka Somaliland xusuusiyey sidii ay dadka deegaanadaasi u taageereen wakhtigii dagaalka lagula jiray dawlada Siyaad Bare ee xasuuqaysay shacabka Somaliland waxaanu yidhi “Waa inay xukuumada Somaliland ka hadashaa oo xisbiyada mucaaridka ahi ka hadlaan oo baarlamaanku baaq ka soo jeediyo, golaha guurtiduna baaq ka soo jeediyo inaynu guud ahaana kacno way istaahilaan dadkaas la laynayaa, dadkaasna isir ayeynu wadaagnaa waana dad aynu wada dhalanay, waana dadkaas somaliya ku nool, maalintii layna hayey ee waxaynu ognahay dawladii Siyaad Bare inagu haysay waa dadkii ina taageeray abaalkana inaynu celinaa waa waajib.”

Waxa kale oo uu xukuumada ku canaantay inay ku mashquushay gudaha xisbigeeda isla markaana aanay wax badan kala socon arimaha socda, waxaanu ugu baaqay inay xukuumadu la socoto arimaha ka dhacaya geeska Afrika iyo caalamkaba “xukuumada Somaliland iyo xisbigeedana waxaan leeyahay intaas ku mashquulsan tihiin gudihiina indhaha fur, arimaha geeska ka dhacaya eeg, caalamka la soco, doorkaagana ka qaado arimahan oo kale, baaqaasna xukuumada ayaan gaadhsiinayaa .”

Ugu danbayntiin a xildhibaan Siciid Cilmi Rooble waxa uu xukuumada Somaliland ugu baaqay inay ka baxdo wada hadalada ay kula jirto dawlada somaliya, waxaanu tilmaamay inaan wax faa,iido ah laga gaadhayn wada hadaladaasi.

Salaanmedoa/Hargaysa