Xisbiga Mucaaradka WADDANI Oo Soo Gabagabeeyay Tartan Kubadda Cagta Ah Oo Hore Usoo Abaabulay + Sawiro

image

Hargaysa (SM)- masuuliyiinta xisbiga waddani ayaa maanta ka qeyb galay xaflad lagu soo gabogabeenayay tartan kubadda cagta ah oo ka socday garoonka maxamuud axmed cali kaas oo u dhaxeeyay 8 kooxood oo heerka labaad ah .
Masuuliyiinta ka soo qeyb gashay xafladdan lagu soo xidhayay tartankan oo ka dhacday garoonka maxamuud axmed cali aya kala ahaa afayeenka xisbiga waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buuba .image

Xoghayaha Arrimaha Gudaha Xisbiga Waddani Mustafe Qodax . ,Marwo Nimco Yuusuf Oo Ahayd Xubintii ugu firfirconeed sidi ay hawshani u hirgali lahadyd Gudoomiyaha Garoonka Maxamuud Axmed Cali . Xamse Colaad iyo masuuliyiint kale .
Waxaana ciyaarti finalka isugu soo hadhay oo koobka kala qaadayay labada kooxood ee kala ahaa DurDur iyo Hormuud iyadoo ay dhex martay ciyaar xiiso leh isla markaana ay masuuliyiintu halkaas ay ku daawanayeen ciyaartaasi .

waxaana ay ugu danbeentii ay guushii raacday koobkiina hantay kooxda Hormuud oo ku badisay Hal Gool Iyo Waxba ..
Geesta kale masuuliyinta xisbiga ayaa agab ciyaareed oo ka kooban direes iyo kubado gudoonsiiyay kooxda arsenal oo ah dallad ay hoos yimaadaan 10 kooxood oo kubadda cagta ahi iyadoo uu agabkaasna uu u gudoomay gudoomiyahooda xamse colaad .

Salaanmedia/Hargaysa