Xisbiga Ucid Oo Cambaareeyay Falkii Maanta Lagu Xidhay Wariye Maxamed C/Laahi (Soo Fadhiiste) Oo Lagu Xidhay Magaalada Berbera

image
Hargaysa (SM)- Xisbiga ucid oo cambaareeyay falkii maanta lagu xidhay wariye maxamed c/laahi (Soo Fadhiiste) kaas oo lagu xidhay magaalada berbera sidaasna waxaa lagu sheegay warsaxafadeed maanta ka soo baxay xisbiga ucid oo dhignaa :-

 

WAR SAXAAFADEED

HARGEYSA

UjeeDo/ Canbaaareyn Aad U Xoogan Oo Ku Socota Xukuumada Talada Haysa

Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahey 02/06/2014 uu War Saxaafadeed uu si kulul ugu Canbaareynayaa Xadhiga Xaqdarada Ah isla Markaana Sharci Darada Ah ee loo geestey Wariye Maxamed C/laahi Faarax (Soo Fadhiiste) Isaga Oo Hawl Maalmeedkiisa Shaqo Ee Gobolka Saaxil Gudanaya

Ayaa Ciidamada Booliska (policeka) Ee Gobolka Saaxil Xabsiga U Taxaabeen

Iyada Oo Uu Amarka Bixiyey Basaabka Gobolka Saaxil ( Fahmi Cabdi Bidaar)

Hadaba Xisbiga Ucid Waxaa Uu Qabaa In Xadhiga Wariyayaasha Madaxa Banaan Uu Yahey Mid Lagu Sadqeynayo Xoriyotul Qawlkii Qarankani 23 Sanadood Ku Soo Caano Maaley Isla Markaana Lagu Wax Yeelaynayo Nidaamkii Dimuqraadiga Ahaa Ee Aynu Dhawreyney

 

Xisbiga Ucid Wuxuu Cod Dheer Ku Canbaareynayaa Xadhiga Xaqdarada Ah Isla Markaana Arxan Darada Ah Ee Lagu Gawracey Xoriyatul Qawlkii Saxaafada Madaxa Banaan Ee Jamuuriyada S/land,

Xadhigaa Sharci- Darada Ah Oo Soo Noq noqonayey Intii Xukuumadani Talada Haysey,Sidoo kalena ay ka Dhigatey Xadhiga Wariyayaasha Wax Iska Caadiya ayaa Hadii ay Sii Socoto Waxa ay Wax Yeeli Doontaa Dimuqraadiyadda iyo Xidhiidhka Aynu La Leenahey Bulshada Caalamka

Xisbiga Ucid Waxaa Uu Xukuumada Ku Waaninayaa Iney Iska Dayso Hab Dhaqankan Soo Noq noqdey Ee Ah Cabudhinta,Cago- Jugleynta,Handidaada,Hanjaabada,Jidh Dilka iyo XadhigaEe Ay Ku Saxaafada Madaxa Banaan

Ugu danbeyntii waxaanu Xukuumada ugu baaqeynaa iney si deg deg ah Xoriyadiisa Ugu Soo Celiso Wariyaha Madaxa Banaan Ee Sifaha Sharci-Darada Ah Lagu Xidhey Wariye Maxamed C/laahi Faarax (Soo Fadhiiste)

Una Shaqeynayey Tvga- Madaxa Banaan Ee Somali Chanel

Saxaafada Madaxa_Banaana Waxaanu Ugu Baaqeynaa In Ay Isku Xidhnaadaan Una Midoobaan Xukuumada Talada Haysa Oo Sifo Sharci Daro Ah Ku Xidh Xidheysa

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid

Md:Yusuf Keyse Abdilahi