Xisbigu Markuu Yahay Mid Talada Haya Waxa u Sharaxan Hal Qof

MAQAAL

Shaxda Siyaasada sida dunida lagu yaqaano dawladaha Dimuqraadiga ah waxay dhigaysaa godadka siyaasada xisbiyadu sidan:

Salka Mushkiladu : Waa ka tagidii uu Axmed Siillaanyo ka tagay Gudoomiyenimada Xisbiga Kulmiye kuna wareejiyay si dhib yar Muuse Biixi ee waxay ahayn inuu isagu ahaado ka haya Jagada Gudoomiyenimada Xisbiga markaa isagoo gudoomihii ah uu dib isku sharaxosaas ayay ahayd ,lkn sidii xisbiyada Mucaaridka oo kale markay ku  guul daraystaan  Doorashooyinka Madaxtinimada ayuu Gudoomiyuhu jagadii iska casilay isagoo aan sheegin wax sabab ah.

Sida Xisbiyadu ay u sharaxdaan Madaxdweynayaasha waa in aanu Kulmiye ka baydhin  taasoo ah : Xisbigu markuu yahay mid talada haya waxa u sharaxan hal qof qofkaasi hadii uu yahay mid Madaxweynenimada haya waxuu xaq u leeyahay ka hadal la’aan inuu mar labaad isa sharaxo waa hadaan shacabku kasoo horjeesanin,markaynu taa u eegno Xisbiga Kulmiye waxuu iska indho tariayaa shaxda godadka Siyaasada Dunida waxa laga rabayna uu garan waayayna waa sida tan:

1-      Inuu Xisbiga Kulmiye u Sharaxo mar Labaad tartanka doorashada Madaxtinimada Madaxweyne Axmed Siillaanyo waanu ku qasbanyahay godka shaxda Siyaasadu sidaa si aan ahayn ma aqbalayso.

2-      Inuu Muuse Biixi haysto Jagada Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye shanta sano ee soo socota si kadibna ay ugu suuragasho inuu isa sharaxo shan sano kadib ama Siillaanyo ha guulaysto ama yaanu guulaysane Muuse Biixi halkaa godka shaxda Siyaasada dhanna uma dhaafi karo,Hadaba waxaa fiican inuu Muuse Biixi Muraayadan iska arko oo iska dhaafo isku sharaxida Madaxtooyada si aanu Xisbiga Kulmiye jidkii UDUB u marin oo uu sugo shan sano kadib.

3-      Tala xumada Kulmiye : may ahayn khilaafka dhexdiisa inuu xisbigu xalin kari waayo oo ay kubadu isaga dhaafto tani waxay dhib galinaysaa mustaqbalka Xisbiga siday Carabtu ku maah-maahdo (Qoom Sharkood , Qoom kale ayuu faaiido u yahay) oo waxay faaiido u tahay Xisbiga Wadani oo si weyn hada intii khilaadka Kulmiye socday si fiican uga faaiidaystay kasloonina siiyay shacabka inuu yahay Xisbi ka adag arimaha dhexdiisa wadankana Mustaqba degan ku wadi kara xoojin karana siyaasada arimaha dibada iyo waxii dhib ku haya xaduudka Somaliland.

 

Sumcada Somaliland iyo Khilaafka Kulmiye :

 

Arinta khilaafka Kulmiye Somaliland si fiican ayuu ula degay  ayagoo cadowga Somaliland u arkaya daldaloolo ay ka faaiidaysan karaan ayagoo adeegsanaya habka Sirdoonka  inay isku dhuftaan beesha Isaaq gudaheega taasi way markay tahay gudaha Somaliland iyo geeska Africa ,markay tahay arimaha dibada ee dawladaha caalamka taasi dhib iyo culeysweyn kuma keenayso dawladaha maxaa yeelay Somaliland maaha maamul la aqoonsanyahay oo waxii Somaliland ka dhaca waxay kala xisaabtamayaan Muqdisho taasi waa godka shaxda siyaasada arimaha dibada ay leedahay diplomasiyada dawladuhu ee maaha sida Kulmiye inay qaxda jeexayaan !

Kulmiye waa inuu is daba qabto uu ilaaliyo sumcada Somaliland uuna arko Muuse Biixi inuu yahay nin culus oo aan ka gudbaynin shaxda siyaasada ,Axmed Siillaanyona ku ekaado xubinta uu ka yahay Xisbiga aanu u soconin si gudoomiyenimo isla markaana aanu farogalin ficil ahaan shaqada gudoomiyaha ee uu aragtidiisa ka dhiiban karo mar haduu dhacay qaladkii Gudoomiyenimada uu ku wareejiyay Axmed Siillaanyo.

Maamulka Somaliland iyo soo afjarida khilaadka mKulmiye:

Nidaamka maamul ee Somaliland u dhisantahay waa sidan :

1-      Inuu Xaliyo Kulmiye isagu khilaafaadkiisa oo aanu soo dhaafin

2-      Taasi may dhicin ee hada kubadu waxay taallaa Garoonka Golaha Guurtida Somaliland haday xalin kari waayaana sheekadu waxay u gudbaysaa raga aanay marna Kubadu dhaafi Karin oo ah

3-      Salaadiinta Beesha Isaaq  oo aanay marnaba arintu dhinacna u dhaafaynin ugana dib dhacaynin markuu Maamulka Somaliland dhexfadhiisto xurgufta Xisbiga Kulmiye oo maamulka Somaliland u muuqdo mid aan Straateejiyad dawladeed aan lahayn ee ah oo kali ah ku meelgaadh inta Somalia dawlad dhab ah loosoo dhisaayo.

 Straateejiyada Salaadiinta Beesha Isaaq: Waa go’aan sameeyaha rasmiga ah ee qof kasta oo ka tirsan qabiilka Isaaq amarkay bixiyaana waxuu ku dhacayaa qof kasta oo ka tirsan qabiilka ,qof kastaana sidii dhaqanka qabiilku ahaa waxuu u fulinayaa amarka Salaadiinta taasoo soo martay in amarkoodu qabiilka uu ka horgeeyay hubkii dawladii labaad ee Africa ugu awooda weynayd oo ahayd Somalia marka laga reebo Algeria ,oo halkaasi la ogaa dawladii Somalia halkay la mareen ayaga iyo xulafadoodu markay wadanka kusoo laabteena waxay heshiis dhab ah oo deg deg ah la gaadheen beelihii walaahood ee dhiigu  u dhex maray hore taasoo noqotay mid aas-aas u ah  guusha  nabada ee laga gaadhay waxii hore loo odhan jiray Woqooyiga Somalia oo hadana ah Somaliland iyo Puntland-ta maanta ,

 Tusaalahaasi waxaynu usoo qaadanay khilaafaadka Xisbiga Kulmiye een Sagaaro ka biiqsan in aanay agtooda wax la sheego ka ahayn go’aanka ay soo saarayaan Salaadiintu waa laba midkood:

 –          In Axmed Siillaanyo iyo Muuse Biixi waxay Salaadiintu soo saaraan hadal la’aan ay ku qaataan una fuliyaan siday tahay.

–          In ay isla tuuraan Salaadiintu labadaba Axmed Siillaanyo iyo Muuse Biixiba dalkana loo sameeyo doorasho deg deg ah oo Madaxtinimo god kalena xeerka ay Salaadiinta Beesha Isaaq  ay ku dhaqmaan ma marayo oo ma degayo.

Gebo-Gebo iyo Gunaanad

 

Mustaqbalka nabadeed ee Somaliland inay tahay (Green Land ) oo aanay hore mar mooyee dib u dhacaynin wax qofka wadaniga ah uu ka walaacana aanu ka dhici doonin taariikhduna aanay qoreynin inay odhaahdani been noqoto dad maskaxdoodu  ya suuragali karto in ay dib u dhac ku dhaco sida Koonfurta Somalia aanay Somaliland ku noolayn dadka dibada jooga iyo kuwa gudaha joogaana ay si isku mid ah uga fekerayaan arintaasi si hore mar deg deg ah loo gadhi lahaa oo aanay lahay dawladaha Africa lana tartama dawladaha Khaliijka lana helo aqoonsi deg deg ah ayadoo laga faaiidaysanaayo dadka cilmigayada ku talax tagay ee ay leedahay Somaliland oo inta badan ka hadla in caalamka aqoonsiga uu aqoonsanayo Somaliland uu ku xidhanyahay gudaha dalka ee aanu ku xidhnayn dalka dibadiisa arimaha loo baahanyahay in xoog wax looga qabtona ay yihiin kuwa ugu muhiimsani :

1-      Horumarinta sharxiyada maamulka Somaliland iyo hirgalintooda xakuumada ,Golaha Shacabka iyo Maxkamadaha oo ay si fiicana ula jaanqaadayaan Madaxtooyada iyo Golaha Guurtida oo ayagana intaasi in le’eg la mariyay

2-      Qofkastoo Muwaadin ah Somaliland u dhashay inuu lahaado( Database) si uu u lahaado qofku sharci loo raaci karo dhamaan noloshiisa sida wax barashiida,guurkiisa,dhoofkiisa iyo soo noqoshisadiisaba loona tirakoobo wax kastoo dalka gudahiisa ka dhacaya loona diro qaramada midoobay sida cudurada oo kale ,koboca dhaqaale , taranka dadka etc.

3-      In loo tuso dawladaha caalamka Somaliland in aanay la jaan qaadi Karin dadka ku dhaqan Koonfurta Somalia si ay ugu qancaan dawladuhu inay xal u sameeyaan Somaliland intaanay aqoonsi helin oo ay xafiisyo uga furtaan Caasimada dalka ee Hargeiysa Somaliland Xafiisyo wada xidhiidh ka furato dawladaha taasoo sahlaysa maamlgashiga iyo Warshada inay kusoo buqadaan Somaliland.

4-      Aqoonsiga Somaliland iyo Xeerka Caalamiga ah : halkay iska diidanyihiin shacabka Somaliland iyo dawladaha caalamku waa xeerka odhanaya dawlad qayb ka mid ah lama aqoonsan karo hadaanay caasimada dalkasi ka jirin dawlad dhab ah taasi waxay shaqaynaysaa intay Somalia qasantahay , markay Muqdisho ka dhalato dawlad dhab ahi  qaramada midoobay waxay afti ka qaadi doonaan dadka reer Somaliland  xagii loo batana waa aqoonsanayaa ,haday badato inta Somalia rabta iyo haday badato rabta go’itankaba taasi ugu dambayntii waxay ka dhacday Konfurta Suudaan.

Hadaba shacabka Somaliland waa inay sidaa wax u fahmaan ee aanay ku dagmin majarhabaabinta siyaasiyiinta oo dhan oo ay ku adkaystaan go’aankooda kama noqoshada ah ee ah madaxbanaanida Somaliland iyo la jaanqaadka caalamka oo aanay marna niyad jabin.

 

Mahammed Abdirahman Sharif.