Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobalada ee Xisbiga UCID oo Ka Hadlay Cambaareeyeyna Xadhiga Xogahayaha Ciyaaraha ee Xisbiga UCID

image

24 June 2014 Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobalada ee Xisbiga Mucaaridka ee UCID Md CabdiQani Salaf ayaa Qoraal uu Soo gaadhsiiyey saxaafada Kaga Hadlay Xadhig loo Geystay Xogahayaha Ciyaaraha ee Xisbiga Md Jiir Cali Madoobe oo ay Xukuumadu Xabsiga u Taxaabay.

Qoraalka uu na Soo Gaadhsiiyey Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobalada ee UCID ayaa u Qornaa Sidatan-

 

 

JAMHUURIYADDA SOMALILAND

REPUBLIC OF SOMALILAND

Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka

UCID

Justice and Welfare Party

حزب العداله والرأفة

 

 

WARSAXAAFADEED

 

 

 

 

Xisbiga Cadaalada iyo Daryeelka Ucid waxaa uu halkan ugu cadaynaya shacbi waynaha reer Somaliland iyo bulshada caalamkaba ee daneeya arimaha Somaliland in galinkii hore shalay oo ku beegnayd 22/6/14 xabsiga dhexe la dhigay Maxamud Cali Muse (Jiir) oo ah xoghayaha dhalinyara iyo ciyaaraha ee xisbiga Ucid, xoghayaha oo saldhiga dhexe ee Hargeisa kusoo booqday Xalimo Cisman Rage gudoomiyaha garabka haweenka Ucid oo marka xidhnayd isla markaana uu lasocoday musharaxa Madaxweynaha ee xisbiga Aq/ Jamal Cali Hussein iyo xubno kale ay markii labaad wiigan gudihiisa laga hor istaagay inay booqdaan Xaliimo Cisman Rage oo waliba loogu daray hanjabaad uu sarkaal laba xidig la ahi ugu hanjabay Jamal Cali Hussein inuu xabad ku dhufan doono hadaanu ka hor dhaqaaqin saldhiga isla markaana u diiday inu haba yaraatee soo arko marwadii xidhnayd,

 

Waxa lagu xidhay Jiir Cali Madoobe xoghayaha isla goobtii loogu hanjabay musharaxa madaxweynaha ee xisbiga qaran u sharaxan oo xasaanadiisii musharaxnimo iyo xaqiisi muwaadinimo bada loo duudsiyey si baalmarsan sharciga wadanka u yaala, xisbiga Cadaalada iyo Daryeelku dulqaad badan ayuu muujiyey iyadoo uu xisbigu wax walba ka horaysiinayo nabad gelyada iyo xasiloonida aynu ku faano Somaliland, xadhiga xogyahaha Jiir Cali Madoobe iyo Xaliimo Cisman Rage wa xasarad ay dawladu wado iyo gardaro aan geedna loogu soo gaban, xadhiga madaxda xisbiyada qaranku waa xeelad abuur, iyo shacbiga oo la majara habaabinayo lagana qaranayo fashilaada siyaasada dowlada ee arimaha gudaha iyo arimaha dibadaba, laakin wax ku qarsomaya xadhiga saxaafada iyo xisbiga Ucid maaha, kana aqbali mayno xukuumada manta talisa inay markay albaab waliba kusoo xidhmo asaxaabta qaranka u yeedhato marka kalena xabsiyada loo sameeyay danbiilayaasha lagu guro madaxda xisbiyada,

 

Xisbiga Cadaalada iyo Daryaalka UCID waxa uu ugu baaqaya xukuumada inay sida ugu dhaqsaha badan xoriyadiisa ugu soo celiso xoghayaha dhalinyara iyo ciyaaraha ee xisbiga UCID Jiir Cali Madoobe iyo waliba dadka kale ee gardarada ku xidhan ama maxkamad laga hor cadeeyo danbiga ay galeen isla markana sharciga dalka ilaaliso.

 

Allaa Mahad leh

 

Xoghayaha Arimaha Gudaha iyo Xidhiidhka Gobalada