Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani USA oo ka hadlay Xaalada Guud ee Dalka, Dalabkii beesha Caalamka, Xukuumadana Ku dhaliilay in ay ku fashilantay Siyaasada Arimaha Dibeda.

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani USA oo ka hadlay Xaalada Guud ee Dalka, Dalabkii beesha Caalamka, Xukuumadana Ku dhaliilay in ay ku fashilantay Siyaasada Arimaha Dibeda.

 unnamed

 

 

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani USA Mudane Maxamed-Nasir M Dhoore ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku hambalyeeyay Ciidamada Qaranka Somaliland hawlaha ay ka waddaan bariga dalka isla markaana ku tilmaamay geesiyaal mar kasta u heelan difaaca, xasilinta iyo abuurida amniga iyo sidoo kale ka hortaga wixii qalalaase ah ee Somaliland kaga yimaada dibedda. Waxaana uu hadalkiisii u dhignaa sidan;

 

Marka ugu horaysa waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan shacab weynaha reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba. Salaan ka bacdi, waxaan halkan hambalyo iyo guubaabo uga dirayaa geesiyaasha mar kasta u heelan wax tarka dalka iyo ka hor tegida in la dibin daabyeeyo kuwaasoo ah Ciidanka Qaranka Somaliland.

 

Marka xigta, waxaan cadaynayaa in Xisbiga Waddani uu Xukuumada ku garab taagan yahay difaaca dalka iyo in la sugo Xuduudaha uu dalka oo dhan.

 

Waxaan Madaxweyanaha Somaliland ku taageersanahay Hadalkiisii ahaa in aanay Somaliland wax xuduud ah la wadaagin meel la yidhaahdo Puntland, balse uu Xuduud la leeyahay Somalia dhinaca Koonfureed, Ethiopia dhinaca Galbeed, iyo Djibout oo ah dhinaca Waqooyi Galbeed.

 

Waxaynu ognahay ay dalka ka jiraan hawl galo ay ciidanka qaranku ka wadaan bariga dalka kuwaas oo lagu sugayo amniga iyo dawladnimada, hadaba waxa soo baxday baaqyo kala duwan oo qaar ka mid ah beesha caalamku ay ka dalbadeen beesha caalamku in Somaliland ay kala baxdo Ciidankeeda Sool. Waxaan filayaa in baaqaasi aanu khusayn ama aanu munaasib ku ahayn Somaliland waayo, Somaliland may tegin meel ka baxsan Xuduudaheeda, Waxaana wax lala yaabo ah in Wadan la yidhaahdo Ciidamadaada kala bax gobol ka mid ah dalkiisa.

 

Suaashu waxa ay tahay maxaa sababay in beesha caalamku Somaliland ka dalbato in ay ka baxdo qayb ka mid ah dalkeeda ama gobol ka mid ah goboladeeda? Jawaabtu waa mid iska cad.

Somaliland marka ugu horaysa maaha dal la ictiraafsan yahay. Waxaanaan qabaa in sababtu ay tahay Somaliland oo ka gaabisay doorkii ay ka ciyaari lahayd arimaha dibedda.

  1. Somaliland kuma laha aduunyada kowaad sida Europe, America, iyo United Nationkaba saaxiibo la safta ama difaaca qadiyadeeda. Hadii ay lahaydna way lumisay inta ay jirtay Xukuumadani.
  2. Somaliland kuma laha Africa saaxiibo taageera qadiyadeeda waxaana ugu dhawayd Ethiopia, hase yeeshee arintaasi meesha way ka baxday sidii ay Xukuumadani talada ula wareegtay.
  3. Waxa fadhiistay dhamaanba Xafiisyadii ay Somaliland ku lahayd waddamada muhiimka ah oo ay ka mid yihiin Ethiopia, USA, UK, EU, Carabta mana jiro xafiis kali ah oo ay ka socoto Hawlaha Ictiraaf raadinta ama kobcinta Qaddiyada Somaliland. Waxaana badiba Xafiisyadaa ku magacaaban rag sheegta Safiiro oo aan haba yaraatee Somaliland waxba u qaban isla markaana la siiyo mushahar cashuur ahaan laga soo qaaday dadka reer Somaliland oo halkii ay heer gaadhsiin lahaayeen qadiyadooda shaqooyin caadi ah ka haysta wadamada ay joogaan isla markaana ay dheeraad u tahay mashaharka iyo lacagta xafiisku.
  4. Waxay Xukuumadani awoodi wayday in ay kiraysato shirkado (lobby firms) ama sharci yaqaano Somaliland arimaheeda gaadhsiiya masraxyada aduunyada si ay Somaliland ugu sameeyaan saaxiibo garab istaaga qadiyadeedana tusaan caalamka.

 

Hadaba waxaan Xukuuada xasuusiyanaa in siyaasada gudaha iyo ta dibedu ay isku xidhan yihiin waxbana aan gudaha laga hagaajin Karin hadii dibedii ay dabran tahay guul kasta oo uu soo hooyo ciidanka qarankuna ay badi furayso siyaasada faashilka ah ee arimaha dibedu.

 

Waxaanu beesha caalamka ugu baaqaynaa in ay ilaaliyaan madaxbanaanida (independence) iyo ixtiraamaana xuduudaha soo jireenka (Territorial Integrity) ah ee Somaliland.

 

 

 

Allaa Mahad leh

 

 

Maxamed-Nasir M Dhoore

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani USA

BA-Law, MS-Criminal Justice

Minneapolis, MN USA.