Xoghayaha Siyaasada Xisbiga WADDANI Oo Sharci Darro Ku Tilmaamay Jiritaanka Gudida Diwaan Galinta Ururada Iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka.

Hargeysa(SM)Xoghaya Siyaasada ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md:Maxa

imagemuud Raage Ibraahim ayaa sharci darro ku tilmaamay gudida diiwaan galinta Urarada iyo Ansixinta Axsaabta Qaranka,waxaana u sheegay in gudidaasi ay hore wakhtigeedii u muddo dhaaftay isla mar ahaantaana ay Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo isku dayeen in ay miisaaniyad Golaha Wakiilada uga Ansixiyaan balse ay mudanayaasha Aqalka wakiilada Somaliland arrintaasi ku gacan saydheen.

Riix halkan
Md:Maxamuud Raage Ibraahim ayaa hadalkan ka sheegay mar ay maanta Masuuliyiinta Sar-sare ee Xisbiga WADDANI ay shir-jaraa’id ku qabteen Xarunta Xisbiga ee Magaalada Hargeysa.

“Waxaad ogtihiin Ururkan loogu tala galay diiwaangalinta Ururada iyo ansixinta Xisbiyada Qaran in uu muddo dhaafay oo uu dhacay oo uu wakhtigiisii dhamaaday oo todoba Cisho isaga oo dhacsan ay soo hambabareen oo ay isku dayeen in ay golaha wakiilada ay miisaaniyad uga Ansixiyaan oo laga soo diiday oo aanu miisaaniyad qaranka Somaliland aanu ku lahayn shaqadii loogu tala galayna uu gutay oo ahayd kala reebida shan iyo tobankii urur ee Somaliland ka jiray”Ayuu yidhi Md:Maxamuud Raage Ibraahim.

Xoghayaha Siyaasada Xisbiga WADDANI oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa uu sida oo kale uu tibaaxay in Gudida Diiwaan galinta Urada Iyo Ansixinta Axsaabta loo haysto in uu kula tartamo Shaqada ay hayaan Komishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland,iyo sida oo kale sidii uu uga qayb qaadan lahaa in Muddo kordhin loo sameeyo Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo.

“hada waxaa loo haystaa waa urur loogu tala galay in uu la tartamo Komishanka,oo shaqada Komishanka uu qabto,waa urur loogu tala galay in uu ka qayb qaato muddo kordhinta sidii uu u gaadhay go’aanki baadilka ahaa ee uu gaadhay go’aankii baadilka ahaa ee uu qasriga madaxtooyada lagu gaadhay ee isaga la daliishaday isaga oo aan isagu sharci ku fadhiyin”Ayuu yidhi Md:Maxamuud Raage Ibraahim

Ugu danbayntii Md:Maxamuud Raage Ibraahim ayaa waxaa u sheegay in urur ay shuruucda uu dajiyo ladaliishan karaa ay tahay marka uu sharciyad uu ka haysto Golayaasha Qaranka dalka

“waxaa la daliishan karaa in uu ururku uu ku fadhiyo Mandate(Sharciyad) haduu ururku uu sharciyad uu leeyahay oo golaha laga soo ansixiyo ayaa la daliishan karaa”Ayuu yidhi Md:Maxamuud Raage Ibraahim.

Salaanmedia/Hargaysa