XOGTA KU DUUGAN XADHIGA WARGEYSKA HAATUF

1111

XOGTA KU DUUGAN XADHIGA WARGEYSKA HAATUF

WAABAAD I XUSUUSISAY!!

‘SHIBA WAXA DIBNIHII LOOGA DHIGAY SHAR IYO KHAYR DAAYEY

ABWAAN WUXU MURTIDII UGA SHAKIYEY SHEEG HADAAD GARATO’

‘RUNTII SHIBIQDA WAXA LOOGA DHIGAY UNA SHAREERNAATAY

EE BEENTU SHAARACA KU TIMI SHEEG HADAAD GARATO’

‘SHIRKII LAGU BALAMAY FAALADII SHAACA LAGA QAADAY

SHALMADI KOORE RAACDAYE WAXBAAN SHEEDA KA ARKAAYE

SHISHE U GARANAY HAASAAWIHII SHAADIRKA LAHAAYE

SHAFDHIGEEDU MEESHUU HIRDIYEY SHEEG HADAAD GARATO’

‘BELAAYADA SHINKEED GALAY FIDNADA LAGA SHAQAYNAAYO

SHOOCAALIGEEDAA HIRMACAY WAASE SHEEN GO’AYE

SHAKARTII QABIILKIYO WIGLADA LAGU SHANLAYNAAYO

WAXA QARANKA SHUUSHKII KA BAXAY DIB UGU SHAANSHEEYEY

SHAARUBO LIBAAX IYO HADDAY SHAADH AMAAN TOLATAY

SHARCIGII QABAN LAHAA MEELU JIRO SHEEG HADAAD GARATO’

‘NINKU KIBIRKU SHAANSHAAN KA RIDAY MAALMO SHAXANREEBYE

MISNE WAXAANU SHEEKADA KU DARIN SHIISHKA SOO MAQANE

INTA SHAQALKA GAABANI U JIRO SHEEG HADDAAD GARATO’

Tuducyo ka mid ah Maansadii Shiinley ee Cabdi Iidaan Rabbi naxariistii jano ha ka waraabiyo.

Sida aynu ogsoonahay wargeysyada haatuf iyo Somaliland times waxa ay soo bandhigeen musuqmaasuq

ay samaysay xukuumada uu hogaamiyo Madaxweyne Axmed Siilaanyo, gaar ahaan wasiirka wasaarada

macdanta iyo tamarta JSL, haddaba markii uu wargeysku daboolka ka rogay musuqmaasuqaas ayaa

albaabada loo laabay wargaysyaddii Haatuf iyo Somaliland times, Mulkiilihii iyo tafatirihiina xabsiga loo

taxaabay ugu danbayntiina waxa ay xukuumada ku xukuntay iyada oo maxkamada u sii maraysa xadhig,

ganaax lacageed iyo wargeysyadii oo laga qaaday ruqsadii sharciga ahayd waana la mamnuucay soo

bixistooda.

Waxaa kale oo maalmahan la hadal hayaa in la iibinaayo dhismihii wargeysyada Haatuf iyo Somaliland

times ay deganayd. Dhismahaas oo ah dhisme dowladeed balse wargeysku ku shaqaynaayey muddo

labbaataneeyo sanno ah waxaana la sheegayaa in tujaarta waaweyn laga baayacay lana gaadhay qadar

lacageed oo lagu qiyaasay 10 million oo doolarka maraykanka ah. Markaa haddii ay arrintaasi dhabowdo

miyaanay noqonayn ‘WAABAAD I XASUUSISAY!! OO WAXAAN IIBINAYAA DHISMAHA WARGEYSYADU

KU SHAQEEYAAN’. Ilayn wargeysyadaa ciyaartii waynayso ku eegaayee.

Haddaba waxaan ugu baaqayaa xukuumada inay ku soo noqoto ku dhaqankii distoorka JSL,

Wargeysyada iyo weriyayaashana ay xuquuqdoodii u soo celiso.

Wasiirada dhegxumada u soo jiiday xukuumadana aanay difaacin balse ay waajibkooda mariso. Booba

yaa wasiiro iyo xukuumad. Haddii kale ha ogaato inaan la iskaga hadhay dhiishaa dhaansiga hantida

qaranka waana lala xisaabtami doonaa marka talada food lagaga qaado.

Qalinkii Saleebaan Ibrahim Mohamoud

Email: khayreibrahim@outlook.com

Togdheer, Burco