“Xukuumada iyo Saxaafadaba waxa saaran masuuliyad, waxaana lagama maarmaan ah in la ilaaliyo shuruucda dalka u taala, ” Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani USA.

“Xukuumada iyo Saxaafadaba waxa saaran masuuliyad, waxaana lagama maarmaan ah  in la ilaaliyo shuruucda dalka u taala,  ” Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani USA.

 0

 

Marka ugu horaysa waxaan Halkan ka salaamayaa dhamaan shacabka Somaliland ee ku sugan daafaha dunida Munaasibada 26ka June oo runtii ah maalin qaali ah oo meel muhiim ah kaga jirta taariikhda Somaliland. 26ka June waa maalintii aynu xornimada Qaadanay oo aynu ka qaadanay gumaysigii ingiriiska.

 

Waxaan kaloo Xukuumada iyo Saxaafadaba xasuusinayaa in ay labadaba masuuliyadi saaran tahay. Xukuumada waxa saaran in ay ilaaliso fulisona sharciga wadanka u yaala. Waa in Xukuumadu si aan qarsoonayn u soo bandhigtaa wixii khaladaad ah ee ay galaan saxaafadu isla markaana aan laysku dayin in saxaafada aan la cabudhin.

 

Waxaan saxaafada ugu baaqayaa iyana in ay dhawraan shuruucda wadanka u taala isla markaana ay si masuuliyadi ku jirto wax u qoraan. Waxa lagama maarmaan ah in marka la wargays ama war la diyaarinayo la hubiyo ilaha ay ka imanayaan si ay u noqdaan war la hubo. Saxaafadu waa Ciidan difaac oo qarsoon oo u shaqaysa shacabka. Waxay ka masuul tahay in aan hantida umada lagu xad gudbin, in aan awooda qaranka si khaldan loo adeegsan, in ay bulshada wacyi geliso, in ay soo ban dhigto barnaamij ay dadku ka faaidaysataan, in ay danaha iyo baylaha dalka iyo dadka iftiimiso si wax looga qabto. Hase yeeshee, waa ka mamnuuc in saxaafada loo adeegsado dano shaqsi iyo in shaqsi lagu weeraro.

 

Waxaan Xukuumada iyo Saxaafadaba ugu baaqayaa in la ilaaliyo shuruucda isla markaana ay khalad kasta oo dhacaa aanu iyaga oo kali ah ku koobayn balse uu wadanka wax yeelayo iyo hanaanka dimuqraadiga ah ee ayu qaadanay.

 

Allaa Mahad Leh:

 

 

Maxamed-Nasir M Dhoore

BA-Law, MS-Criminal Justice

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani USA

Minneapolis, MN.