Xukuumadda Jabuuti Oo Faah-faahin Ka Dalbatay Somaliland Qaraxyadii Jabuuti Ka Dhacay Kadib

image

June 3, 2014 Jabuuti(SM) – Xukumadda dalka Jabuuti ayaa faah-faahin dheeraad ah ka dalbatey maamulka Somaliland kadib markii laba qof oo dhanka Hargeysa ka galey Jabuuti ay isku qarxiyeen maqaaxida la yidhaahdo La Chaumiere magaalada Jabuuti, taas oo ay ku caweeyaan inta badan dadka caddaanka ah ee ku sugan Jabuuti sida dalxiisyaasha iyo askarta dowladahoodu saldhigyada ku leeyihiin Jabuuti.
Xeer ilaaliyaha guud ee dalka Jabuuti Maki Cumar Cabdulqaadir ayaa maalintii Sabtida soo bandhigey wiil iyo gabar Soomaali ah kuwaas oo fuliyey qaraxii ka dhacay maqaaxida La Chaumiere, waxaa qarxaas ku dhintey labadii qof ee fuliyey iyo qof kale, sidoo kale waxaa ku dhaawacmey askar caddaan u badneyd oo goobta ku caweynayey.
Xeer ilaaliyaha guud ee Jabuuti ayaa sheegey in labada qof ay kala yihiin Muuse Rooble Hiirad iyo Hodan Maxamed Ciise, waxaana uu sheegey in ay Jabuuti ka soo galeen dhanka Hargeysa, Maki Cumar ayaa sheegey in soo gelitaankooda uu fududeeyey midn kamid ah askarta Jabuuti kaas oo hadda su’aalo la weydiinayo.
Xukuumadda Jabuuti ayaa la sheegayaa in ay si rasmi ah Somaliland uga dalbatey in ay u soo gudbiyaan waxa ay ka ogyihiin labadan qof, joogitaankoodi Somaliland iyo sida ay uga soo gudbeen Somaliland.
Maamulka Somaliland oo maalmahan la ciiraya khilaafka xisbi xaakinka Kulmiye ayaan weli ka hadlin dhacdadan.
Guddoomiyaha Xisbsiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo shalay shir-saxaafadeed ku qabtey xarunta Xisbiga ayaa ku eedeeyey Wasiirka Arrimaha Gudaha in uu jawaab ka bixiyo kuwii qaraxyda ka fuliyey Jabuuti kuwaas oo muddo 20 maalmood ku sugnaayeen Somaliland gaar ahaan Hargeysa, taas oo fadeexad ku ah ayuu yidhi Qaranka Somaliland.
Kadib qaraxii u horeeyey ee noociisu ahaa kan ismiidaaminta ee ka dhaca Jabuuti, ayaa xukuumadda Jabuuti si weyn adkeysey amaanka xuduudaha gaar ahaan kan ay la wadaagto Soomaaliya, qaar kamid ah dadka socdaalka ku marey Jabuuti iyo kuwa ku hakadey ayaa warbaahinta Cadceed Newsu sheegey in ay kala kulmeen baadhitaano iyo su’aalo aanay weligood hore u arag.
Ururka al-Shabaab ayaa sheegtey in uu ka danbeeyey qaraxii ka dhacay maqaaxida ku taaleyJabuuti dhamaadkii bishii hore ee Maajo (May), waxaana ay sheegeen in uu ahaa mid qorsheysan oo ay ka wada fulin doonaan dalalka ciidamadu ka joogaan Soomaaliya.
Dalka Jabuuti oo kamid ah dalalka adduunka u yar waxaa Soomaaliya ka jooga hal batalyan ee ciidamada AMISOM ka tirsan kuwaas oo ka hawlgala gobolka Hiiraan, askar toban ka badan ayaa looga diley tan iyo markii ay Soomaaliya yimaadeen.

Salaannedua/Hargaysa