Al-Shabaab oo maanta Goob fagaare ah ku toogtay Haweeney lagu Magacaabo Fartuun Cabdi Naasir Maxamed

alshabab344

 

 

 

 

 

Wararka ka imaanaya Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa sheegaya in maanta Dagaalyahanada Al-Shabaab ee gacanta ku haya Degmadaasi ay goob fagarae ah ku toogteen haweeney ay sheegeen in ay katirsaneed Ciidanka Dowlada.

Dilka lagu fuliyay Haweeneedan oo lagu magacaabo Fartuun Cabdi Naasir Maxamed ayaa ka dhacay goob fagaare ah oo kuyaala Degmada Diinsoor , waxaana kasoo qeyb galay halka xukunka dilka ah uu ka dhacay Masuuliyiin katirsan Al-Shabaab iyo dadka Degmada Diinsoor.

Haweeneyda maanta lagu toogtay Diinsoor ayaa Xarakada Al-Shabaab waxa ay ku eedeeyeen in ay katirsaneed Ciidamada Dowlada ee dhawaan tababar kusoo qaadatay Degmada Xudur , waxaana Dagaalyahano katirsan AL-Shabaab haweeneydan ka qabteen Deegaanka Ufurow.

Al-Shabaab ayaa dil toogasho ah waxa ay inta badan ku fuliyaan dadka ay ku helaan dambiyo la xadhiidha a in ay jawaasiis yihiin iyo kuwa la qabto iyaga oo katirsan Ciidanka Dowlada ama u shqeeya Dowlada Soomaaliya.

Salaanmedia/Moqdisho