Al-Shabaab Oo Sheegatay Dilkii Xildhibaan Saado Cali Warsame (Allaha U Naxariistee)

Al-Shabaab Oo Sheegatay Dilkii Xildhibaan Saado Cali Warsame (Allaha U Naxariistee)

Saado-CaliJuly 23, 2014 Muqdisho(SM) – Ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay dilka fanaanada caanka ah, Saado Cali Warsame, oo maanta lagu toogtay magaalada Muqdisho. Saado Cali ayaa sidoo kale xildhibaanad ka ahayd baarlamaanka Soomaaliya.

Dablay hubaysan ayaa rasaas ooda kaga qaaday baabuurkii ay saarnayd Saado Cali, oo marayay xaafadda Hodan ee Muqdisho.
Waxaa la sheegayaa in qof kale oo ka tirsan shaqaalaha baarlamaanka oo Saado Cali Warsame la socday isaguna la dilay.
Dilalka qorsheysan ayaa ku soo badanayay Muqdisho bishan Ramadan-ka.

Af-hayeenka ururka Alshabaab ayaa Cabdicasiis Abu Muscab oo la hadlay BBX-da ayaa sheegay inay ka dambeeyeen dilka ayna fuliyeen ciidamadooda gaarka ahi. Afhayeenka ayaa sheegay inaanay Saado Cali Ku dilin fanaanimadeeda balse ay ku dileen ka mid ahaanshaha xaga siyaasada ee xubinimada baarlamaanka.

Allaha u naxariistee Saado Cali Warsame ayaa ka mid ahayd fanaaniinta uGu caansan gayiga soomaalida, waxaanay fanka ka dhex muuqatay tan iyo 1970.

Ururka Al-Shabaab ayaa Muqdisho ka baxay sanadkii 2011-ka, balse waxaa uu weli ka fuliyaa weerarro iyo dilal qorsheysan.

Salaanmedia/Hargeysa