AMISOM oo soo dhawaysay qaabkii loo fashiliyay weerarkii shalay

image

Muqdisho 16.July 2014 (SM)- Qoraal kasoo baxay howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee Somalia ayaa maanta 16.July.2014 lagu sheegay in lagu soo dhawaynayo werarkii shalay lala damacsanaa in lagu bartilmamaysto garoonka diyaaradaha Muqdisho halkaasoo amaankeeda la adkeeyay.
Ciidanka DF ayaa shalay gacanta ku dhigay gaari lagu soo xiray walxaha qarxa iyadoona wadihii gaarigaasi lagu sheegay inuu ka tirsanaa garoonka Aadan Cadde waxana afhayeenka AMISOM Col.Cali Xaamud oo galabta la hadlay VOA uu sheegay inay soo dhawaynayaan falkii lagu damacsanaa in lagu weeraro Aadan Cadde Airpot.
Waxa uu Col.Xaamud uu sheegay ciidanka ammaanka DF iyo AMISOM inay wada shaqayn wanagsan uu kala dhaxeeya balse waxa uu sheegay inaysan shaqo ku halayn qaar ka mid ah shaqooyinka Amni sugida Muqdisho sida weerarkii shalay la fuliyay.
Masuulkan ayaa rajo ka muujiyay ciidanka DF ee ku sugan magalada inay hanan karaan sugida Amniga isla markasna ay ka hor tagi karaan weerarada kooxda Alshabab ay goobaha muhiimka ah la beegsanayaan.
Ururka Alshabab oo dowladda DF dagaal kala soo horjeeda ayaa weeraro iskugu jira qaraxyo iyo dilal toos ah waxay ka fulisay magalada Muqdisho waxaana ku dhintay rayid,masuuliyiin iyo ciidan mana jirto ilaa iyo hada ka hortag muuqda.
Garoonka diyaaradaha waxaa ka shaqaysa shirkad laga lee yahay Dalka Turkiga waxana shaqalaha Turkiga ee ku sugan magalada Muqdisho lagu amray inay si KMG ah u joojiyeen shaqadda maadama Alshabab ay sii kordhisay werarada ay la beegsanayso xarumaha Hay’addaha Turkiga.UN-ka iyo kuwo DF.

Salaanmedia/Hargaysa