Baaq ku saabsan badbaado qaran iyo samata bixinta Jamhuuriyadda Somaliland oo xaalad adagi saa waajahday waayahan danbe

unnamed

Baaq ku saabsan badbaado qaran iyo samata bixinta Jamhuuriyadda Somaliland oo xaalad adagi saa waajahday waayahan danbe

Waxa maanta xaalad adagi soo food saartay Qarankii Somaliland oo u muuqda in uu jar ka lusho haddii aan si degdeg ah loo badbaadin. Dalkan Jamhuuriyadda Somaliland waxa xorriyadiisa iyo jiritaankiisa lagu soo gatay qiimo aan la qiyaasi karin, sidaa darteed waxa guudka ka ilaashanaya dadkii usoo dhintay iyo kuwii usoo dhaawacmay oo aan marnaba oggolayn in khatar iyo halis la geliyo jiritaanka qaranka. Waxaynu ognahay in Somaliland tahay dhaxal la wada leeyahay oo ay wadaagaan dad agoomo ah oo ay ka tageen mujaahidiintii naftooda u sadqeeyay sharfta dalkooda iyo dadkiisa. Hadaba taladii wadanku maanta waxay gacanta u gashay dad aan fahamsanayn qiimaha ay ku fadhido qaranamida Somaliland. Hadaba akhriste bal u fiirso xaaladda dhabta ah ee manta dalka soo food saartay.

  1. Waxa Somaliland lagaga guulaystay dhammaaan shirarkii ay somaliya la gashay ilaa la gaadhsiiyay heer la duudsiyo gumaadkii iyo dabargoyntii uu taliskii Afweyne kula kacay dad aan waxba galabsan. Dhamaan kulamada dhexmaray Somalia iyo Somaliland waxay ahaayeen kuwa ay somallia guul ka soo hoyisay, hadda xaasuusnow Somaliland ayaa wax ka saxeexday in dawladii ku meel gaadhka ahayd ee aan caalamku aqoonsanayn in ku meel gaadhka laga saaro oo ay awood sharci yeelato kuna maamuli karto dhulkeeda, badeeda, iyo hawadeeda.
  2. Hashiisyada Somaliland iyo somalia wada galayeen mid keliya laguma soo qaadin gooni isu taagga Somaliland ee waxa ka dhex muuqday heshiisyadaas in wax la wadaago oo layska kaashado arrimaaha qaarkood taas oo albaabka u sii furaysa federal iyo in markale Somaliland ay ku shalwato haadaantii dirqiga laga soo saaray ee malyuunka ruux galaafatay.
  3. Ergeda markasta uga qayb gelaysay Somaliland wada xaajoodku waxay ahaayeen dad aan lahay karti siyaasadeed iyo aqoon gaadhsiisan heerka wada xaajoodkaa caalamiga ah, inkastoo kulankii danbe ay qaateen siminaar ku saabsan wada xaajoodka caalamiga ah oo Addis Ababa ay ku siiyeen khubaro ay dalbadeen hadana isla kulankaas u danbeeyay waa lagaga adkaaday oo waxay kala saari kari waayeen oo kala fahmi kari waayeen qodobadii la kala qoranayay gaar ahaan labada eray ee kala ah “ Atrocity & Genocide “ waxaana Somalia ku guulaysatay inay heshiiska ku qorato in cabashada somaliland ay ka qabto Somalia ay tahay uun waxoogaa tacaddi ah oo beri ka soo gaadhay dawladii duntay 1991, waana sida erayga “ Atrocity” nuuxurkiisu yahay. Somaliland waxay markaas ka tanaasushay eraygii kale ee ahaa “ Genocide “ oo ay 23 sano ku andacoonaysay oo nuxurkiisu yahay gumaad iyo xasuuq ba’an oo aan waxba reebin. Somaliland oo saxeexaasi ka dhacay lama garanayo waxa ay ku macnayn doonto cidda loo raacayo kumanaanka qof ee weli raqdoodii qoyantahay ee ay xasuuqday Somalia.
  4. Maalintii ay Somalia ka baxday federalka ayaa Somaliland caalamkii albaabda ka xidhay waxaana si toos ah loogu sheegay mar haddii aad somaliya wada xaajood idin dhexmaray ku meelgaadhkiina aad kala saarteen idinku dee hadaba inta yar ee idiin dhiman dhamaysta annagu hadaanu nahay caalamka waxaanu aqoonsanahay dawlad federal ah oo somlia ka jirtee idinna gobollo ka mid ah ayaad tihiin.

 

  1. Waxa mar keliya shacabkii reer Somaliland ku baraarugeen in la wanjalay oo ay Somaliland markale gacanteeda isku gawracday haatanna la kala dooransiin doono in ay weligood go’doon ahaadaan iyo inay Somalia gees ka raacaaan wado kalena aanay u banaanayn.

 

  1. Somalia oo ka faa’iidaysanaysa fursadda caalamiga ah ee ay heshay iyo ilduufka Somaliland ayaa durtaba bilawday inay ku dhawaaqdo in ay la wareegtay hawada Somaliland oo hadii taasi hirgashana aanay jirin doonin dayaarad danbe oo ka soo degta madaar ku yaal Somaliland haddii aanay ruqsad ka haysan Somalia. Waxa taasna ku xigi doona dhawaaq kale oo ay ku wargelinayso maraakiibta caalamiga ah in aanay ku soo xidhan Karin deked ku taal Somaliland. Bal hadda suuree somaliyada sidaa inoogu cayaaraysaa waxay amaankeeda sugi kari weyday madaxtooyadii iyo gurigii baarlmaanka oo habeen walba lagu dilaa xildhibaan ama masuul kale. Laakiin awooda caalamiga ah ee ay adiga hawada kaaga xidhay yaa siiya? Dee innaga ayaa siinay oo dawlad ka dhignay markaynu hor fadhiisnay ee ka barinay qananimadeenii.

 

  1. Somaliland xataa maanta waxay ku filaaan kari weyday inay xejiso xidhiidhkii ay la samaysay xilli hore dawladaha aduunka qaarkood oo saaxiib la ahaa una doodi jiray marka laysugu yimaado fagaare caaalami ah oo lagaga arrinsanayo hawlaha Somalida. Waxaa marag kuugu filan dawladaha jaarka la ah Somaliland oo xidhiidhkii ay Somaliland lalahaayeen wax iska bedalay oo ay dib uga fiirsadeen.

 

  1. Waxa shaki weyni lasoo dersaay ammaankii iyo nabad gelyadii lagu majeeran jiray Somaliland oo ay si weyn uga dayriyeen sirdoonka reer galbeedka halka dawladaha UK iyo USA ay dhawr jeer kala baxeeen shaqaalihii hay’adahooda joogay Somaliland ugana digeen dadkooda inay u safraan Somalia iyo Somaliland ba oo aan shuqul isku lahaan jirin xagga amniga.

 

  1. Dawladda itoobiya iyo jabuuti ayaa labuda isku mar xidheen xuduudda ay la leeyihiin Somaliland waxaanay ku tilmaameen in Somaliland haatan noqotay waddo halaq mareen.

 

Hadaba marka laga dhinbiil qaato lagana duulo dhamaan qodobada aan kor ku soo xusay, waxaan ugu baaqayaa xukummadda Somaliland in ay joojiso wada xaajoodka ay la wado Somalia isla markaana ay qaadacdo kalfadhigan dhawaan la filaayo inuu furmo. Waxaan usoo jeedinyaa xukuumadda inaanay dhayalsan dareenka shacabka oo aanay dhegaha ka furaysan baaqa iyo qaalo dhaanta lagu dalbanyo inay joojiso wada hadalada ay la furtay Somalia oo durba noqday dabin inagu rooray. Haddi xukuumaddu joojin weydo madal hufinta iyo majaro habaabinta qaddiyada Somaliland waxa ku imman doona kacdoon shacab oo jiidha dillaaliintan xaraashaaya qaranimada Somaliland.

By : Cabdixakiim       Muuse       Cali : Xoghayaha TIT