CIYAARAHA KUBBADDA CAGTA iyo SIYAASADDU MAXAY KU KALA DUWAN YIHIIN ?

MAQAAL

Dhalinyarada caalamka badidoodu waxay TV yada ka wada daawanayeenciyaarihii kubbadda cagta ee koobka aduunka ee lagu qabtay dalka brazil ee 13 kii bishan dhamaaday ee dalka GERMANY ku guulaysatay koobkii.

Hadaba maxay kubbadda cagtu ilaa sidaa xad-dhaafka ah dhalinyaradu iyo weliba dhalinyarada cuslaatay u jecelyihiin oo ay u jiidatay. 
AMA maxay dadku u jecelyihiin kubbadda cagta >
maxayse dadku u neceb yihiin siyaasiga iyo siyaasadda ?
Qof kasta oo ciyaartoy soo maray (noqday) wuu garanayaain ciyaaruhu ay AKHLAAQ ku dhisan yihiin iyo tartan hufan oo xarfad heer sare ahi la socoto .
Kubbadda cagtu waa wax cad oo aad indhahaaga ku arkayso oo aan mugdi ku jirin.
Laakiin SIYAASADDU waa arin aan muuqan oo badweyn gunteeda fadhida ama dhedo badani kaa xigto , laakiin ciyaarta kubbadda cagta waxba kaama qarsoona , meel kasta kamerad ayaa ku xidhan oo kuu soo gudbinaysa wax kasta oo ka dhaca garoonka iyo ciyaar taba , sidaa awgeed wax kaa qarsoomi kara ayaa iska yar.
Waxa kale oo jirta ciyaarta kubbadda cagta , labada kooxood ee wada ciyaaraaya waxay ka siman yihiin una siman yihiin :
 a- garoonku labada dhinac wuu is le’eg yahay .
 b- cuyaartoyga labada dhinac u kala ciyaarayaa way is tiro le’eg yihiin .
 c- shuruucda (qawaaniinta ) labada kooxood ee wada ciyaarayaa way u siman yihiin qaanuunka ciyaarta .
Laakiin SIYAASADDA marka doorashooyinku socdaan 
  a-sharciga xisbiyada tartamayaa uma sinna , oo xisbiga talada dalka markaa hayaa , sad buursiimuu isa siiyaa .
  b-xisbiga talada haya , cidi ma xisaabin karto hadduu doono.
  c- doorashada wuu iskaga shubtaa ama musuq maasuq ayuu geliyaa (sidii dhacday doorashadii degaanka ee ugu danbeysaba .
  d- waynu wada garanaynaa musuqmaasuqii ka dhacay doorashadii degaanka 
  (ee ilaa iyo iminka aan laga daba tegen khaladaadkii dhacay , ee aan ilaa iminka la sixin )
  e- khaladkii aan la sixin ilaa iminka wuxuu hadana dhici doonaa doorashada soo socota ee baarlamaanka iyo weliba doorashada madaxweynaha ) haddii aan waxba laga qaban , mana muuqato in wax laga qaban doonaa .
Sinaanta iyo caddaladana waa waxa ay degenaanshuhu iyo xasiloonidu iyo nabadgelyadu ku dhisan yihiin.
Eexashaduna waxay abuurtaa (keentaa) nacayb iyo colaad iyo kal fogaansho .
CIYAARKA KUBBADDA CAGTA waxa jira GARSOORE ay shaqadiisu tahay in uu hoggaamiyo ciyaarta , go’aan qaadashadana iska leh.
waxa caawiya laba CALAN WALE oo dhinacyada garoonka taagan , oo au shaqadoodu tahay in ay calanka taagaan marka uu khalad dhaco ama kubbaddu ay baxdo , sheegana cidda kubbaadda iska leh , go’aankooduna maaha mid kama danbays ah ee waa mid ay garsooraha (siidhiwalaha) ciyaarta ku taa kulaynayaan .
waxa kale oo jira garsoore 4aad oo shaqadiisu tahay in uu sheego wakhtiga lagu daraayo ciyaarta , marka xiligii loogu btalo galay ciyaarta uu dhamaado (waa qaybta koobaad ciyaarta , 
 qaybta 2aad ee ciyaartu intaanay dhamaanna waxa uu sheegaa inta wakhtiya ee lagu daraayo ,
 iyo weliba marka ciyaartoy mid kale lagu bedelaayona wuxuu taagaa (lowxad) uu ku qoranyahay nambarka ciyaartoyga labedelaayo iyo ka lagu bedelaayoba .
LAAKIIN SIYAASADDA GARSOORKEEDU WAA TAARIIKHDA , mana jiro garsoore muuqda oo ka dhex muuqda siyaasadda , waxa laga yaabaa in ay WARBAAHINTU iyo WERIYAYAASHU (SAXAAFADDU) ay isku dayaan in ay GARSOORE noqdaan , laakiin HADDII AY KHADKA CAS KA GUDBAAN (in kasta oo aanu jirin khad la garanaayo oo aan laga gudbi karini ) ( arinku waxa weeye wixii aanu maamulkaasi markaa ka raali ahayn ) ,
waxa dhacda in shaqada laga joojiyo SAXAFIGA ama LAXIDHOBA  (sida iminka somaliland ka taagan oo kaleba ) (car juuq dheh) .
hadda ogow oo SUXUFIGU waa jibkiisii shaqo ayuu gudanayaa , ee denbi lagu xidho muu gelin ama loogu hanjabo .
CIYAARTA KUBBADDA CAGTA waxaad arkeysaa ciyaartoygii oo nabar ku dhacay ama dhaawac may oo xanuun la galgalanaaya ama qaylinaaya oo la dawaynaayo ama cadhaysan oo acsaabtiisu ay kacsan tahay oo aad wejigiisa iyo dareenkiisa ay ka muuqato .
LAAKIIN SIYAASIGA iyo SIYAASADDA midna runtu wejigooda kama muuqato , inkastoo inta badan ay meteli(iska yeel yeeli karaan ) oo ay dareemmo munaafiq nimo ay iska muujiyaan .
waxaanay carabkooda kaga dhawaaqaan EREYO aan qalbigooda ka iman , waayo ?
SIYAASADDA MUGDIGEEDA AYAA BADAN .
CIYAARKA KUBBADDA CAGTA natiijada ay ku dhamaatay way caddahay  oo waad aragtaa , oo wax muran ahi kama taagna ama anagay ahayd inaanu ka badino kooxdan yar ee dalka yar ka timi .
markii England ay Uruguay ka badisay cid natii jadii diiday may jirin ama qaylisay oo tidhi ma ogolin  ama ma yeelayno badiskan ee dib haloo beego ciyaarta 
markii Germany ka badisay Brazil (7-1) may qaylin Brasil oo may adhan natiijadan ma aqbalayno , oo yeelimayno in dalkayagii iyo anagoo ah ciyaartoygii caanka ahaa ee brasil in sidaa lanooga badiyo , ee wax baa khaldanaa ee ciyaarta dib haloo eego .
SIDAA DARAADEED SINNAANTU WAA LAF-DHABARTA CIYAARAHA KUBBADDA CAGTA , EEXASHADUNA WAA ASTAAN LAGU YAQAANO SIYAASADDA DUNIDA (SADDEXAAD) sideenna oo kale (caddaalad darro -eex-qabyaalad .
Xukuumadda (kulmiye) somaliland na waynu ogayn wixii sannadkii hore ka dhacay ciyaarihii gobolada iyo maamul xumadii – siyaaasad xumadii iyo weliba qabyaalad ku dhaqankii foosha xumaa ee laguga dhaqmay ciyaartoygii kaarkood .
Hadaba ma xukuumadda ku guul daraysatay in ay ciyaaro xufan oo akhlaaq iyo sinnaan ku dhisan ayaa dal hoggaamin karta 
guulna u keeni karta , ictiraafna beesha caalamka uga keeni karta .
waar aynu caalamka waxa wanaagsan ee ka socda wax ka barano .
Ciyaaraha kubbadda cagta iyo siyaasaduna wax yaabo badan oo kalena way ku kala duwan yihiin .
CALI MAXAMED BIIXIÂ