CULIMADA WAX BAADHA IYO JIIRKA…Waxaan garan waayey ilaa imiNka waxa culimada wax baadhaa ay jiirka wax ugu tijaabiyaan ? .miyaanu jirin xayawaan kale oo wax lagu tijaabiyaa ?

calimaxamedbiixi2

Waxaan garan waayey ilaa imiNka waxa culimada wax baadhaa ay jiirka wax ugu tijaabiyaan ? .miyaanu jirin xayawaan kale oo wax lagu tijaabiyaa ? 

ma maskaxdiisa yar awgeed ee aan teena waxba ka waynayn ayaa ugu wacan ? 
mise awood iyo xoog  baanu lahayn jiirku uu iskaga keen celiyo ( sida liabaaxa ama shabeelka oo kale ).
Waxa layidhi qof xanuunsanaaya ayaa dhakhtarkiisii wuxuu u qoray in uu cuno dhal digaag , markaasaa waxa uu ugu jawaabay dhakhtarkiisii : waxaad iigu qortay digaagaa yar yar saw maaha itaal yaraantooda awgeed ? maxaad dhal libaax ama shabeel iigu qori wayday ? 
wal-lee waanan ku cunin waxyahaw itaalka darani .
Hadaba jiirku abaal badan ayuu ku leeyahay culimada wax baadha ee ku hawllan taranka dadka .
AQOON yahan baa jiir badanQAFAS (sanduuq) ku wada riday , jiirkii si nabad ah buu u wada noolaaday cuntadii la siinaayayna way ku wada filaatay .
Jiir kale oo badan ayaa QAFASKII (sanduuqii) lagu riday oo lagu kordhiyay , QAFASKII (sanduuqii) wuu buuxsamay .
Dagaal ayaa JIIRKII ka dhex bilaabmay , qaylaa ka dhex yeedhay .
JIIRKII wuu iswada qaniinay , cuntadii way isku laayeen , cuntadii way ku yaraatay , dhibaato ayaa jiirkii kala dhex martay .
CULIMADII iyo aqoon yahaniintii waxay ogaadeen una soo baxday una cadddaatay in ISCIDHIIDHIGU keenay BUUQA – ISQABSIGA – SAWAXANKA WERWERKA – iyo MAAMUL XUMADU iyo QORSHE LA’ AANTA AAN LOO SAMAYN TIRADA BADAN EE SOO KORODHAY .
Bulshadana (dadkana) waxa dhibaatada ugu wayn u keenaa waxa weeye SHAQO  LA’ AANTA
iyo QORSHE LA ‘AANTA aan laga sii fekerin in bulsho soo kordhaysa lagu xisaabtamo , qorshena loogu talo galo .
Dhibaatooyinka somaliland haystaana waxa ugu wayn SHAQO LA ‘ AANTA iyo xukuumadda kulmiye aan qorsheba lahayn .
Xukuumadda kulmiye na ma hayso mana garanayso siyaasad – istiraatiijiyad – barnaamaj iyo qorshe ay shaqo ku abuurto .
Hadaba xukuumadda kulmiye QORSHE SHAQO abuur iyo culimo + khubaro garanaysa haka soo waaridato dalka shiinaha .
Waxa dalku u baahan yahay aqoon yahaniin iyo khubaro  aqoon u leh sida shaqada loo abuur , waayo ? 
somaliland waxay leedahay khayraad fara badan oo dabiiciya oo il-laahay ku manaystay , LAAKIIN aan la garanayn sidii looaga faa ‘ iidaysan lahaa :
Sida ( badda ) oo kaluunku caygaago . ( bal inta la kiraynaayo badda , maxaa bulshada loogu taba bari waayay , inay kaluumaysato noqdaan ? maxay xukuumaddu maraakiib kaluumaysi u soo iibsan wayday ? 
Dalka somaliland waa dal dhinaca beeraha ku qani noqon kara , isku filaanshona ka gaadhi kara , LAAKIIN qorshe dawladeed ayaan jirin .(waa nasiib darro haysata shacabka somaliland , kagana yimi dhinaca xukuumadda ) .
Dalka somaliland il-laahay wuxuu ku manaystay nimcada XOOLAHA , oo laakiin ilaa iminka helin QORSHE XUKUUMADEED ( arintaasuna waa nasiib darro kale oo shacabka haysato , oo dhinaca xukuumadda ka haysata )
Waxaas oo khayraad ah waxa hor jooga in laga faa ‘iidaysto , waxa weeye SIYAASAD XUMADA iyo QORSHE LA ‘ AANTA XUKUUMADDA KULMIYE .
Dalka somaliland waa dal qaniyah , laakiin aan haysan hoggaan fiican oo haga , tusana khayraadka ay haystaan iyo sidii looga faa ‘ iidi laha .
MA JIRO DUNIDA DAL FAQIIR AHI , LAAKIIN WAXA JIRA DAD FAQIIR AH .
MAAMULADU XUMMIIYAGAA ABUURA GAAJADA 
MAAMULADA FIICANINA  IYAGAA ABUURA SHAQADA IYO QORSHAYAASHA WANAAGSAN EE SHACABKOODA IYO DALKOODA QANIGA KA DHIGA .
 
CALI MAXAMED BIIXIÂ