DAAWO MUQAAL IYO SAWIRO…Madaxweynaha Somaliland Oo Kullan Afura La Qaatay Jaaliyada Somaliland Ee London Kana Hadlay Xaaladiisa Caafimaad

siil

July 26, 2014 London(SM) – Madaxweynaha Somaliland ayaa kullan afura la qaatay jaaliyada reer Somaliland ee London, Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa ka hadlay dhaliilaha xukuumadiisa loo soo jeediyo, waxaanu sheegay in Dhaliilaha Xukumaddiisa ee la soo bandhigayo uu u Adkaysan doono. Madaxweynuhu waxa uu sidoo kale sheegay in Caafimaadkiisu fiican yahay ka dib warar sheegay xaalkiisa Caafimaad xun yahay.siil

“Dal dimoqraadi ah ayanu nahay, ma dhaliil li’in oo ma diidayno dhaliil waxa la qabtay-na ma yara, waanu u adkaysanaynaa oo diyaar ayaanu u nahay oo waanu qaadanaynaa wixii toosina. Jaaliyada reer Somaliland waan u mahad celinaynaa kaalinta ay dalka kaga jiraan mar walba.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayay Xaflad Afur ah oo Jaaliyadda Somaliland ee Ingiriisku ugu Samaysay Londo.

sii2
Madaxweynuhu wuxuu Beeniyay warar maalmihii u dambeeyay Bulshada la dhex galiyay oo ku saabsan Xaalkiisa Caafimaad oo xun ““Caafimaadkayga ayay wax ka sheegaan (saxaafaddu) waanigaa caafimaadka qaba ee idin hor-jooga wixii run ah ayaa iska soo bixi doona, Illaahay baan ugu mahad-naqayaa caafimaadka uu I siiyay iyo masuulka ummada iiga dhigay labadaba.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu
sii2
Dhinaca Kale. Madaxweynuhu ayaa Beeniyay warar maalmihii u dambeeyay Bulshada la dhex galiyay oo ku saabsan Xaalkiisa Caafimaad oo xun ““Caafimaadkayga ayay wax ka sheegaan (saxaafaddu) waanigaa caafimaadka qaba ee idin hor-jooga wixii run ah ayaa iska soo bixi doona, Illaahay baan ugu mahad-naqayaa caafimaadka uu I siiyay iyo masuulka ummada iiga dhigay labadaba.” Ayuu yidhi.

Salanmedia/ London