Daawo Muqaal…Sheekh Umal oo toddobaadkan dhalinyarada Nairobi uga ku dhaqan su’aallo Diini ah oo aad loga faa’idestay uga jawaabay

Nairobi:-Masjidka Al-Hidaaya ee magaalada Nairobi, ayaa waxaa toddobaadkii ugu dambeeyey galay siminaar Diini ah, kaasoo socday bishan Ramadaan oo dhan. Siminaarka oo sanad walba la qabto, ayaa waxaa isku soo duwa ururka dhallinyarada ee PEACE AND AWARNESS YOUTH GROUP (P.A.Y) kaasoo ka shaqeeya in dhallinyarada lagu wacyi geliyo waxyaabah wanaaggooda ah, lagalana dadaallo iney u beyeraan dhinaca khaldan.

Siminaarka, ayaa waxaa lagu bixinayey casharo Diini ah, kuwaasoo ay soo jiidiyaan culimo loo soo xulay, waxaana todobaadka dhammaadkiisa dhallinta la siinayey muxaadaraad ay bixiyaan culimada, waxaana sidoo kale la siinayey fursado ay su’aallo ku weydiiyaan culimada, loogana jawaabo masaa’isha ay doonayaan. Siminaarka ayaa waxaa ka faa’iideystay dhallinyaro isugu jirta wiilal iyo gabdho, iyadoo ciddii ka faa’iideysaneysa da’ wa;ba ha ahaatee loo oggolaa. Toddobaadkan, ayaa dhallinyaradu waxay fursad u heleen iney su’aallo weydiiyaan Sh. Maxamed Cabdi Umal, iyagoona ka faa’iideystay jawaabihii uu bixiyey Sheekhu.

Hoos ka Daawo Su’aallihii dhallinyaradu weydiiyeen Sh. Umal toddobaadkan

Untitled