DAAWO MUQAAL: Soomaalida iyo Muslimiinta Minnesota USA oo sameyey arin Qof walba oo Muslim ahi ku farxi karo

Arrin lagu farxo ayaa ka dhacday gobolka Minnesota kadib markii mid ka mid ah Kaniisadihii ugu waaweynaa magaalada St Paul loo bedelay masaajid ay leeyihiin Muslimiinta.

Kaniisadan loo badalay Masjidka ayaa waxaa lagu magaacabi jiray St Johns, taasoo dhisneyd in ka badan 100 sano.

Masjidkan meesha ka saaray sii ahaanshaha kaniisada ayaa waxaa loo bixiyay Daarul-culuum, waxaana lagu iibiyay dhaqaale dhan 900,000 oo Dollar, iyadoo mudo afar sano ah la doonaayo in lagu bixiyo dhaqaalahaasi.

Dhismaha masjidkan ayaa noqonaya ka labaad ee ugu weyn gobolka Minnesota, wuxuuna ku fadhiyaa dhul dhan 60,000 mitir, wuxuuna ka kooban yahay meel ay ku tukan karaan dad ka badan 2000 oo qof, in ka badan 23 fasallo, xafiisyo iyo sagaal guri oo deegaan ahaan loo isticmaali karo.

Iminaanka masjidkan Sheekh Xasan Khaliif Buuhane ayaa sheegay in qiimo aan lasoo koobi karin uu masjidkan ugu fadhiyo Muslimiinta gobol gaar ahaan kuwa ku degan magaalo madaxda, waxaana ka shaqeeya Soomaali iyo Muslimiin kale.

Untitled

masjid-badalay-kaniisad-1 masjid-badalay-kaniisad-2 masjid-badalay-kaniisad-3 masjid-badalay-kaniisad-7