Daawo Muqaal…Wasaarada Hawlaha Guud Oo Soo Bandhigtay Liisamada Wadista Baabuurta Oo Qaab Casri Ah Loo Sameeyey

uly 16, 2014 Hargeysa(SM) – Wasaaradda Hawlaha guud iyo guryaynta Somaliland oo kaashanaysa shirkad Casriyaysay Liisamada Baabuurta ayaa maanta soo bandhigtay qaab cusub oo loo Sameeyay Sharciga(Liisanka) Wadista Gaadiidka.
Shirkad qaadatay Qandaraaska Samaynta Liisamada oo lagu magacaabo Shirkadda Samaynta Liisamada Baabuurta ee Somaliland ayaa Liisamada Gadaadiidka lagu wado oo hore u ahaa Buug, hadda ka dhigtay Kaadh laf ah oo Electronic ah.