Daawo Muuqaal Argagax Leh” Buur soo duntay oo dhagxaanteeda sida roobka ugu daadanayaan dad iyo gaadiid hoos marayay!!


Gaadiid ku safrayay Wado laami ah oo hoos marta buur kutaala Dalka Shiinaha ayaa qabsatay Mucjiso kadib markii ay buurta kusoo duntay dhagxaantii buurtana ay sida roobka ugu soo daateen gaadiid laamiga marayay ay dadbbadan ku safrayeen.

Ugu yaraan 10-qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen mashaqadan halka dad intaa ka badana ay dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen kadib markii buur ay hoos marayeen ay soo duntay ayna dhagxaan kusoo daadisay.

Buurtan duntay ayaa ku taala deegaan ay inta badan ka dhacaan dhul gariir , waxaana loo maleenayaa in ay arintan sababtay dhul gariir , waxaana mar qura la arkay buurta oo duntay sida meel qarax weyn lagu xiray .

Salaanmedia/Moqdisho