Daawo Sawirada : Ciidamada Yahuuda Israa’iil oo bilaabay in ay gantaalo ku bur-buriyaan Isbitaalada kuyaala Gaza

Waxaa Wali socda Duqeynta Ciidamada Yahuuda Israa’il u geesanayaan Shacabka Reer Falastiin ee ku dhaqan Magaalada Gaza , waxaana Duqeymihii ugu dambeeyay ee ka dhacay Xaafado katarisan Gaza lagu dilay dad badan oo Shacab ah.

Ciidamada Yahuuda ayaa bilaabay in ay taangiyo ku duqeeyaan Isbitaalada lagu daweenayo dhaawacyada dadka rayidka ah ee wax kusoo noqday Weerada ay wali ku hayaan Magaalada Gaza ee dhulka reer Falastiin.

Isbitaalka Al-Aqsa ee kuyaala Deegaanka Deir Al-Balah ee Magaalada Gaza waxaa salay ku dhacay Duqeyn ay geesteen Ciidamada Israa’iil , waxaana duqeyntaasi ku dhacday Isbitaalka ku dhintay dad kor u dhaafaya 5-qof halka uu bur bur xoogan gaarsiiyay qeybo badan oo kamid ah Isbitaalkaasi.

Weerarada Yahuuda ay ku heyso Magaalada Gaza oo galay maalintii 15-aad waxaa inta la xaqiijiyay ku dhintay dad kor u dhaafay 560-qof oo u badan dad shacab ah ay ku jiraan Caruur iyo Haween guryahooda gantaalo ku dhaceen.

Xaalada ayaa wali ah mid kacsan ,waxaana Magaalada Gaza ka baracay dadkii dagnaa oo u adkeesan waayay gumaadka ay Yahuuda ku heyso , waxaana Ururka Xamaas ee dagaalka kula jira Yahuuda Israa’il sheegeen in ay sii wadayaan dagaalka ay kala horjeedaan Yahuuda Xasuuqa geesaneysa.

Wadamada Caalamka ayaa u muuqda kuwa aan ka damqaneyn xasuuqa Israa’il ku heyso dadka Reer Falastiin , waxaana marar badan fashil ku dhamaaday qorshe la doonayay in xabad joojin lagu dhax dhigo Ciidamada Yahuuda iyo Mujaahidiinta Xamaas.

Salaanmedia/Moqdisho












· mamaan on July 22 2014 · Print