Daawo Sawirada Dil Maanta Magaalada Muqdisho loogu geestay Xildhibaanad Saado Cali Warsame

2

 

 

 

 

 

 

Kooxo Hubeesan oo gaadhi watay ayaa maanta rasaas culus waxa ay huwiyeen gaadhi ay wadatay Xildhibaanad Saado Cali Warsame oo katirsaneed Baarlamaanka Soomaaliya sidoo kale aheed Fanaanad qaran oo Dalka iyo dibada si weyn looga yaqaanay.

3

Goob joogayaal ayaa ku waramay in dabey hubeesan oo gaadhi nuuca raaxada ah watay ay rasaas badan huwiyeen xili ay Xildhibaanada ay ku dhaween Hotelkii ay dagneed ee Ampasadoor ee Magaalada Muqdisho.

Allaha U naxariistee waxaa weerarkaasi ku dhintay Xildhibaanad Saado Cali Warsame iyo Darawalkii gaadhiga u waday, weerarka ayaana ka dhacay halka loo yaqaan Xaaji baasto oo ku dhaw daarta Tri piano ee Magaalada Muqdisho.

saado_5 saado_2

Kooxihii weerarka geestay oo watay gaadhi aadna u hubeesnaa ayaa goobta isaga baxsaday , mana jiraan ilaa hada cid sheegatay Masuuliyada dilka maanta loo geestay Xildhibaanadan umada Soomaaliyeed si weyn quluubtooda ugu weyneed.

Dilka kadib waxaa goobta soo gaaray in mudo ahna xiray laamiga Ciidamo katirsan Dowlada Soomaaliya kuwaa oo durba bilaabay baaritaano , waxaana meydka Xldhibaanada goobta laga qaaday daqiiqado kadib.

Dilka manta Magaalada Muqdisho loogu geestay Xildhibaanad Saado Cali Warsame ayaa noqonaya kii labaaad oo bishan gudihiisa loo geesto Xildhibaan katrsan Baalaaanka Soomaaliya , Dilkan ayaana sii kordhinaya cabsida iyo walaaca lasoo darsay xildhibaanada Baarlamaanka.

Magaalada Muqdisho tan iyo curashadii bisha barakeesan ee Ramadaan waxaa ka dhacayay Dilal iyo qaraxyo qorsheesan oo lagu dilayay masuuliyiin katirsan Dowlada , Ciidamo iyo waliba dad shacab ah , mana jiraan ilaa hada cid loo soo qabtay falalkaasi amaan daro ee ka dhaca Magaalada.

Salaanmedia/Moqdisho

Â