Daawo Sawirada Yahuuda Israa’iil oo kordhisay Duqenta ay ku xasuuqayaan Shacabka ku dhaqan Magaalada Gaza

Ciidamada Yahuuda Israa’ill ayaa saacadihii lasoo dhaafay waxa ay kordhiyeen Duqeynta ay ka geesanayaan Magaalasa Gaza ee dhulka Reer Falastiin , waxaana sii kordhaya dhimashada dadka rayidka ah kasoo gaareysa Duqeynta Gaza ku socota.

Ciidamada Israel ayaa sii kordhiyay weerarka cirka, dhulka iyo badda ee ay ku hayaan Magaalada Qaza, iyagoo qaadaya dagaalkii ugu xooganaa tan iyo markii uu bilaway saddex iyo toban maalmood ka hor duulaanka gardarada ah eek u hayaan shacabka reer falastiin.

Wararka laga helaayo Deegaanka Shejaiya oo kuyaala bariga Qaza ayaa sheegaya in meelaha qaar ay daadsan yihiin meydadka dadka rayidka ah ee waxyeeladu kasoo gaartay duqeynta xoogan ee Yahuuda ka geesanayso Gaza.

Inta la xaqiijiyay 360-Falastiniyiin ah ayaa ku dhintay Duqeymaha Yahuuda ay ka geesaneyso dhulka Reer Falastiin , waxaa sidoo kale weerarkan lagu dilay 7-qof oo Israa’iiliyiin ah oo labo kamid ah la sheegay inay Shacab yihiin.

Dowladaha aduunka ayaa u muuqda kuwa sheeda un ka eeganaya xasuuqa Yahuuda Israa’iil ka geesaneyso dhulka Reer Falastiin , mana jiraan ilaa hada xal laga gaaray duqeynta ay Israa’iil ka geesaneyso Gaza.

Salaanmedia/Moqdisho