Daawo Sawiro….Qaar ka mid ah Beesha SUBEER AWAL Ee Cariga BRISTOL UK Oo La Kulmay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.

Taageerayaashii Xisbiga KULMIYE Ee Beesha Subeer Awal Ee Magaaladda (Bristol UK) Oo Casho Sharaf Ku Casuumay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali  Waraabe, Cadeeyayna In Si Mug Leh Xisbiga UCID Ugu Soo Biiri-Doonaan
Halkan Ka Akhri War Murtiyeed Cashaddasi Laga Soo Saarayunnamed

unnamed

Xalay oo ay taariikhdu tahay 12/07/2014, Ayaa Taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ee Beesha Subeer Awal Magaaladda Bristol UK ayaa Casho iyo Afuro ku casuumay Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Masuuliyiin Xisbiga UCID ka tirsan oo Guddoomiyaha la socday.  Hadaba sidii xafladaasi u qabsoomtay iyo qudbadii iyo Sawiradii Guddoomiye Faysal Cali Xuseen waxay ahayd sidatan:

lll

Taageerayaashii Xisbiga KULMIYE ee Beesha Subeer Awal ee Bristol UK ayaa Guddoomiye Faysal ku yidhi waxaanu kugu soo dhawaynaynaa gacmo furan, waxaanu diyaar u nahay in aanu ka qaybqaadano isbadalka maanta dalku u baahanyahay, waxaa halka ka hadlay qudbadana ka soo jeediyay Odayaasha, Aqoonyahanka iyo Mujaahidiintii Dalkan Somaliland U soo halgamay  waxayna ka sheekeeyeen sida ay ugu qasaareen Taageeradii Xisbiga KULMIYE ee ay mudada dheer taageersanaayeen, taas oo ay sheegeen in ay naf iyo maalba u hureen Xisbiga KULMIYE iyo sidii uu Madaxweyne Siilaanyo u guulaysan lahaa, balse taageeradoodii waqtiga badan iyo kharashka badan kaga baxay ay ku qasaareen, maantana ay reer ahaan diyaar u yihiin in ay  garab istaagaan Musharaxa Xisbiga UCID ee Jamaal Cali Xuseen,  waxa kale oo ay halkaa ka cadeeyeen in ay Taageeradii ay Xisbiga KULMIYE  u hayeen kala noqdeen, iyagoo sheegay in bacdal Ramadaan Xaflad aad u balaadhan ay ku shaacin doonaan kubiiristooda Xisbiga UCID, Xafladaas oo ay ka soo wada qaybgali doonaan Masuuliyiinta sar-sare ee  Xisbiga UCID Dhammaantood sida Guddoomiye Faysal Cali Xuseen iyo Aqoon Yahan Jamaal Cali Xuseen Insha Allaah.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Mudane Eng. Faysal Cali Xuseen ayaa isna taageerayaasha Xisbiga KULMIYE ee Beesha Subeer Awal uga mahad celiyay martiqaadkooda iyo soo dhawayntooda, Guddoomiyuhu wuxuu halkaa ka cadeeyay in ay xisbi ahaan gacmo furan ku soo dhawaynayaan, waxaa kale oo uu Gudoomiye Faysal ka waramay safaradiisii uu ku tagay Dalka Maraykanka wuxuuna cadeeyay in maanta Somaliland u baahantahay badbaado qaran, sharaftii Qaranka ee Somaliland aduunka ku lahaydna ay hoos u dhac wayn ku yimi, sababtaasina ay leedahay xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo ku fashilantay siyaasadii arrimaha gudaha iyo tii arrimaha dibadaba, sidaa darteed Guddoomiye Faysal Cali Xuseen wuxu jaaliyadda reer Somaliland ee UK ugu baaqay in ay isku duubnaadaan kana qaybqaataan sidii loo soo celin lahaa sharaftii Somaliland ay ku lahayd beesha Caalamka, sharaftaas oo ay xukuumadan Madaxweyne Axmed Siilaanyo Dhooqaysay, Guddoomiyuhu dar-daaran aad u qaali ah ayuu shacabka reer Bristol halkaa uga soo jeediyay, wuxuna uga waramay xaalada Dalka Somaliland iyo in maanta loo baahanyahay in gacmaha laysqabsado, difaaca qaranka Somaliland laga qaybqaato. Ugu danbayntii xafladaasi waxay ku soo dhamaatay jawi aad u wanaagsan iyadoo loo balamay bacdal Ramadaan in dib laysugu soo noqdo lagana hawl galo sidii Dalka Somaliland isbadal qayrqaba looga hirgalin lahaa waxaana laysla meel dhigay in uu Dalku xaalad adag ku jiro loona baahan yahay sidii Qaranimada Somaliland loo badbaadin lahaa.

nnmmlllllkj64321

Mr. Abdulqadir Mohamed (Cukaashe)

Xoghayaha Xidhiidhka Dadweynaha iyo Saxaafadda

ee Xisbiga UCID Laanta UK