Dagaal culus oo Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab ku dhexmaray Gobalka Shabeelaha Hoose

image Wararka aan ka helayno Gobalka Shabeelaha Hoose, ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi uu ka dhacay Dagaal culus oo dhexmaray ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa Milateriga iyo ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab. Dagaalkaan, ayaa wuxuu ka dambeeyay kadib markii ciidamo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo maraye Duleedka Deegaanka Awdheegle gaar ahaan wado ku aadan dhanka Degmada Tooratooroow.

Saraakiisha ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Gobalka Shabeelaha hoose oo ka hadlay Dagaalkaan, ayaa waxa ay sheegeen inay guulo ka gaareen Dagaalkaasi oo ciidamadii Shabaab ee soo weeraray ay Khasaaro gaarsiiyeen. Maxamed Axmed Cabdi Taliyaha howlgalinta Guutada Shanaad ee ciidamada Milateriga Dowladda ee Gobalka Shabeelaha hoose oo la hadlay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayaa wuxuu sheegay in 9 askari oo ka tirsan Shabaabkii weerarka soo qaaday ay ku dileen Dagaalkaasi.

Wuxuu sheegay in 9-ka ruux ay dileen uu ku jiray Sarkaalkii hogaaminaye ciidamada weerarka soo qaaday, waxaana uu intaasi ku daray in dhankooda saddex Askari uu dagaalkaasi kaga dhaawacmay oo labo kamid ah dhaawacooda uu fudud yahay. Al-Shabaab dhankooda wax faah-faahin ah kama soo bixin oo ku aadan Dagaalkaasi iyo guulaha ay sheeganayaan Saraakiisha Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Weerarada gaadmada ah ayeey Al-Shabaab ku ekeeyaan ciidamada Dowladda iyo kuwa Amisom ee maraya wadooyinka Gobalka Shabeelaha hoose, waxaana dagaalada Shabaab ay noqdeen kuwa kudhufo oo ka dhaqaaq ah.

Salaanmedia/Mogdisho