DEG DEG. Qarax Xoogan oo goor dhow ka dhacay Magaalada Moqdisho

NEWS N

Qarax xoogan ayaa waxa uu goor dhow ka dhacay Wadada Makka Al-mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Warar horudhac ah ayaa waxa ay sheegayaan in Qaraxa u ka dhacay Afafka hore ee Saldhiga Degmada Waabari, waxaana lasoo warinayaa in Qaraxa uu ahaa gaadhi laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo goobta la soo dhigay.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Qaraxa uu yahay gaadhi uu lahaa Mas’uul ka tirsan Dowlada Federaalka oo gaariga loogu soo xidhay miino.

Ma jiro wax faah-faahin dheeri ah oo halkaasi kasoo baxaayo, waxaana iminka xiran wadada Makka Al-mukarama gaar ahaan qeybta ku beegan Saldhiga.

Salaanmedia/Moqdisho