Dilal kala duwan oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho

image

Magaalada Muqdisho maanta waxaa ka dhacay dilal kala duwan oo loo geystay Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Wiil Dhalinyaro ah oo ku sugnaa Degmada Wadajir ee Gobalka Banaadir.

Wiilka dhalinyarada ah ayaa waxaa lagu dilay Xaafada Nasteexo ee Degmada Wadajir, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in Wiilkaasi dhalinyarada ahaa uu kamid ahaa Shaqaalaha Wasaarada Maaliyada Xukuumadda Soomaaliya, inkastoo aan la xaqiijin wararkaasi.

Ragii ka dambeeyay dilka Wiilkaasi dhalinyarada ahaa oo labo ruux ahaayeen, ayaa sidii caadada aheyd, waxa ay ka baxsadeen goobta dilka Wiilkaasi ay ka geysteen ee Xaafada Nasteexo Degmada Wadajir.

Sidoo kale waxaa isla Maanta magaalada Muqdisho lagu dilay Askari ka tirsan ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya, kaasi oo lagu toogtay Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho.

Dilka Askarigaan ayaa waxaa ka dambeeyay rag hubaysan oo Biskoolado wata, kuwaasi oo iyagana ka baxsaday goobta falka dilka ah ay ka geysteen oo aheyd Suuqa Cabdala Shideeye ee Magaalada Muqdisho.

Muqdisho waxaa maalin waliba lagu dilaa ugu yaraan 2-ruux oo u badan Askarta Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo Bartilmaameed unoqday Al-Shabaabka Dowladda kasoo horjeeda.

Dowladda Soomaaliya ayaa isbedel ku sameysay laamaha ammaanka dalka si amniga Muqdisho wax looga qabto, balse weli ma muuqdo isbedel ku aadan ammaanka caasimada oo soo kordhay.

Salaanmedia/Mogdisho