Fadeexad Musuqmaasuq Oo Dul Hoganaysa Qasriga Madaxtooyada Somaliland “XOG

download (1)

July 21, 2014 Ottawa(SM) – Dawladda madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo waxay caan ku tahay adeegsiga qabiilka iyo ku tagrifalka dhaqaalaha Ummadda baahido dishootay,waxa xaaraan ah in ummadda aynu ognahay baahida iyo baaba’a ay qabaan in xoolahooga la dhaco, la boobo iyo in hab qabiil looga faa’iidaysto.

waxanu qoraalkan ku soo bandhigi doonaa dhac ,boob iyo qandaraas si qaldan oo sharciga ka baxsan loo leexsaday oo markii aanu baadhitaan dheer ku samaynay fooluxmadiisii ay gashay qasriga Madaxtooyada SL.

Maxamed Axmed Maxamuud oo loo yaqaan Ina Octoober wuxu muddo dheer deggan yahay magaalada Ottawa ee dalka Canada wuxuna muddo dheer ka shaqeynayay idaacad ku taal Ottawa oo magaceeda la yidhaa CKCu.fm barnaamijkeeda afka soomaliga ku baxa.

Maxamed Axmed Maxamuud ina Octoober wuxu hadda dirawal ka yahay shirkadda busaska ee loo yaqaan OC traspo, employee # waa A275 wuxuna inta badan Maxamed wadaa bus # 8, oo ka dhex shaqeeya magaalada Ottawa.

Maxamed shaqaddiisii wuxu ka qaatay fasax dheer oo hal sanno (1 year) oo bilaa lacag ah ka dib markii uu qandaraas ku kacaya  boqolaal kun oo dollar uu ka helay mashruuc logo magic daray Fire Alaram System oo qasriga Madaxtooyada Somaliland laga hirgelinayo,qandaraaskaa oo sharciga qandaraasyada Somaliland baalmarsan isla markaana uu soo dhammeeyay Baashe Awil oo ah wiilka uu sodog u yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ay qarraabo dhaw yihiin Maxamed Axmed Maxamuud ina Octoober.Maxamed octoober hadda wuxu ku sugan yahay magaalada Hargeisa oo wuxu gacanta ku hayaa mashruucii boqolaalka kun ee dollar ku kacay ee uu ku helay habka qaraabada iyo qabiilka is barkan ee dawladda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxauud Siilaanyo ku caanka tahay.

Allaa Mahad leh,

Guddida xisbiga WADDANI laanta Ottawa.