Hoggaamiyaha Mucaaradka Dalka Koonfurta Suudaan Oo Booqasho Ku Jooga Jabuuti

image

(SM.Hargeysa) – Hoggaamiyaha mucaaradka Koonfurta Sudan, Riek Machar ayaa ku sugan dalka Jabuuti, waxaan socdaalkiisan uu qayb ka yahay safarro siyaasadeed oo uu marayo dalalka gobolka, si uu u sharraxo qorshaha kooxdiis ee ah inay diyaar u tahay fulinta qorshayaasha IGAD ee ku aaddan nabad kusoo dabaalidda dalkiisa South Sudan.

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalka South Sudan haddana ah hoggaanka mucaaradka ah ee ka horjeedda xukuumadda madaxweyne Silva Kiir ayaa la filayaa inuu kulan la yeesho madaxweynaha Jabuut, Ismaacii Cumar Geelle .

Afhayeenka mucaaradka Koonfurta Sudan, James Gatdet Dak ayaa xusay in hoggaamiyaha kooxdooda uu Jabuuti u yimid qorshaha nabadeed ee lagu doonayo in colaadda dalkaas xal looga gaadho “Riek Machar, wuxuu Jabuuti yimid Sabtidii si uu wadatashi ula sameeyo madaxweynaha Koonfurta Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle. Booqashadan waa mid diiradda lagu saarayo qorshaha wadahadallada nabadeed ee ka socda Addis Ababa, kaasoo ay waddo IGAD,” ayuu yidhi James Dak oo tafaasiil intaa ka badan aan bixin.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in hoggaamiyaha mucaaradka ah uu socdaalkiisii kan horreysay ku tagay magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, ayna haatan yimaadeen dalka Jabuuti, iyadoo uu la socdo madaxiisa waaxda xidhiidhka dibadda ee mucaaradka.

 

Machar ayaa bishii la soo dhaafay booqashooyin kuwan la mid ah ku tagay dalalka Kenya, isagoo kulan la soo qaatay madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta isagoo u sheegay inay kooxdiis mucaaradka ah diyaar u tahay wax walba oo wada-xaajood nabadeed ah.

Salaanmedia/Hargaysa