Horumarka Ay Samaynayso Xukuumada Siilaanyo Iyo Caqabadaha Hortaagan?? By Daahir Muxumed Geelle

Horumarka Ay Samaynayso Xukuumada Siilaanyo Iyo Caqabadaha Hortaagan?? By Daahir Muxumed Geelle

Siilaanyo22Rabadaan Kariim Dhamaan Umada Somaliyeed Meel Kasta Oo Aad Joogtaan Illaahay Bisha Barakaysan Khayr keeda Ha Ina Siiyo Amiin Amiin.
Xukuumad kasta oo cusub waxa ay leedahay qorshe istiraatijiyad eed (strategic plan) oo ay ugu talo gashay in dad ka ay xukunto ay ku horumariso taasi oo suuragalisa in dad waynuhu ay kalsoonida siiyaan ama ay ku kalsoonaadadaan wakhtiyada doorasha timaadana ay codkooda siiyaan.
Hadaba xukuumadan kulmiye waxa ay lahayd qorshe siyaasadeed oo aad uga duwan xukuumadii kahoraysay ee Daahir Rayaale oo la odhan karo way ku fashilantay hogaaminta dalka Somaliland
Waxaana cadayn kuugu filan sida ay dadku uga codeeyeen ee codkooda ay usiiyeen xisbiga hada talada haya ee kulmiye oo xilka lawareegay july 2010.
Islamarkii ay talada dalka lawareergtay waxa ay fulisay si ka duwan sidii lagu yaqaanay xukuumadihii kahoreeyay oo balanqaad koodu ahaan jiray been iyo in xika uun lagu gaadho iyada oo wakhtigii rayaale shaqalaha dawladu ay macaluul qarka u gaadheen oo mudo shan bilood ah wax mushaar ah aan la siin. Sidoo kale waxa lafaaruqiyay qasnadii dawlada oo wax lacag ahi aanay ku jirin oo faaruq ahayd , waxa intaa kasii daran daynta xukuumada lagu lahaa oo noqotay xad kabax.
xukuumada siilaanyo waxa ay markiiba bilawday fulinta balanqaad yadeedii iyadoo u kordhisay shaqaalihii dawlada 100% xukuumada siilanyo waxay markiiba bilawday .
 Bixinta mushaarooyinka shaqaalaha iyo bixinta dayntii ay ka tagtay dawladii Rayaale
 Waxa lakordhiyay miisaaniyadii dawlada oo hada maraysa ilaa 200,000,000$ iyo in kabadan
 Waxa labilaabay in loo jeesto dhinaca horumarka sida kaabayaasha dhaqaalaha
 Waxa labilaabay dhamaystirka wadada dila ilaa Boorama oo markii hore ay bilaabeen shacabku laakiin xukuumadu intii u badnayd ay bixisay.
 Waxa la dhisay intabadan xarumaha wasaa radaha dawlada
 Waxa ladhamaystiray jidka is ku xidha kalbaydh iyo wajaale
 Waxa jid casriya loobadalay jidka isku xidha Barbera iyo Hargaysa oo markii hore ahayd wado go’go’an.
 Waxa kale oo ay xukuumadu soo iibisay qalabkii dhismaha wadooyinka oo aad utiro badan tayadooduna aad ufiicantahy.
 Waxa kale oo lagu dhawaaqay jidka isku xidha Burco iyo ceerigaabo oo hada dhismaheeda lagu jiro
 Waxa kaleoo hada dhismahooda lawadaa jidadka isku xidha Hargaysa , Balaygubadle,Burco,ilaa oodwayne
 Waxa kale oo dib u dhis lagu sameeyay madaarka Hargaysa ,oo lagadhigay mid casri ah
 Waxa kale oo isbadal aad uwayn lagu sameeyey xarunta madaxtooyada oo qofkastaaba arki karo iyo jidka hormara madaxtooyada

Waxa halkaa ka muuqda oo aan la qarinkarin ama aan la dafirikarin horumarka balaadhan ee ay wado xukuumada siilanyo ee manta talada haysa waxyna muujisay wadaniyad xad dhaaf ah oo daacadnimo ku dheehantahay si dalka loo horumariyo
Arintaasina waxay noqonaysaa taariikh lama ilaawaan ah oo lagu xasuusan doono mustaqbalka taasi waxay muu jinaysaa in madaxwayne siilanyo aanu ahayn shaqatag ee uu yahay nin dalkiisa u shaqaynaya.

Caqabaha Ka Hor Imanaya Waa Sida Tan:

A-Caqabadaha Guddaha

Hadaba akhriste waxa jira caqabado ka hor imanaya horumarkka ay xukuumadu samaynayso kaas oo kaga imanaya gudaha iyo dibadaba waxana kamid ah

• Waxa layidhaahdo qabyaalada oo kamid ah caqabadaha ugu waawayn ee ka hor imanaya hadaynaan odhanba waa ta ugu wayn
• Qeexid la’aanta waxyaabaha qarankani uu siinayo muhiimada koobaad (first priority ) secon)third)
• Laxissabtan la’aan (un accountability) madaxda xafiisyada dawlada xaga mas’uuliyada
• Iyada oo aan loo eegin (criteria) qofka aqoontiisa aan loo eegin kaasi matalaya xukuukuumada gaar ahaan wasaaradaha gobolada
• Qiimayn la’aanta xaga shaqaalaha dawlada ah si xukuumadu u tayayso shaqaalaha

B-Caqabadaha Dibada Waxaa kamid ah
1-Aqoonsi la’aanta beesha caalamka in kastoo xukuumadu dadaal xoogle ugu jirto sidii aqoonsi loo heli lahaa.
2-Amaan darada ka jirta geeska Africa oo saameyn ku yeelan karta maalgashiga dibada.
3-Ganacsiga aynu la leelanahay dalalka jaarka oo liita inaga oo awood u weyney inaan u iibgayno khayraadkeena dihin sida Kalluunka,milixda ama cusbada IWM.
Hadaba markaan is barbar dhigno horumarka iyo caqabadaha jira waxaan ku talin lahaa sidan:

1-Xukuumada haka soo saarto go’aan ku saabsan sixida sida xun ee loo isticmaalo qabiilka
2-Xukuumadu ha qeexdo siyaadeeda ku wajahan sanad walba waxay ay mudnaanta koobad siinayso sanadkastaba si loo dabooli lahaa baahiyaha aasaasiga ah
3-Xukuumadu waa inay muujisaa la xisaabtan dhab ah masuuliyiinta heer degmo,heer gobol ilaa heer qaran.
4-In xilalka qaranka lagu saleeyaa aqoonta iyo khibrada uu u leeyahay qofka shaqada loo igmanayo.
1- Dadwaynuhu waa in xukuumada sidii la rabey ula shaqeeyan oo ay aaminaan.
2-Dadweynahu waa in ayna xukuumada ula xisaabtamin qaab qabiil oo aay eegaan danta guud.

Hadaba waxaan ku talin lahaa in caqabadaha aan kor ku soo xusnay in ay xukuumadu awooda saarto sidii ay uga gudbi lahayd iyada oo la is waafajinayo danta dad weynaha iyo horumarka dalka
Thanks.
By Daahir Muxumed Geelle
E-mail Gelle99@hotmail.com