Isbedelka Umaddu Higsanayso Qaybti 1aad By Mukhtar Cilmi »

waddani/ ciro

Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato. Waxaan halkan aad uga salaamayaa bahda Shabakada Caalamiiga ee Cadceed.com

Wasaaradda Duulista Hawada Soomaliya iyo Madaxda Hay’adda ICAO , ayaa todobaadkii hore Dalka Canada ku gaadhay Heshiiska Dawladda Federaalka loogu wareejinayo maamulka Hawada, waxaanay taasi dhabarka ka jabisay Heshiiskii ay Somaliland hore ula gashay Dawladda Xasan Sheekh Maxmauud ee dhigayay inay labada dhinac si wada jir ah hawada u wada maamulaan inta heshiis rasmi ah la gaadhayo, heeshiiskan wuxu na tosay in ay siyaasadda maamulka wasaaradda duulista iyo hawado oo daciif yahay oo kari waayay dagaalka ay guulaysatay wasaaradda duulista soomaaliya !!.

Wasiirka duulista maxamed xaashi cabdi isaago safarkiisi ugu danbayay ee kenya loo sheegay in ay soomaaliya maamusho hawadeena , taasina waxay ku timi ducufka haysta siyasadda guud ee xukuumadda , waxana rumootay is dhexgalka ay dawlada somaaliya rabtay in bulashaddo is dhex gasho oo aduunka la tooso soomaaliya waa mid !!, maanta somaliland way khasaartay oo ay maanta hawadeene ay maamusho soomaaliya yaa been iso sheegayn, waa fadeexad weyn oo garab sodhan xukuumadda iyo tayada wasiirka duulista hawaddaba.

Wasiirka gaadidka iyo hawada ee xukuumadda Soomaaliya Qorsheel oo la hadlay VOA da anako maqlaynay dhamaantayn sheegay in dowladda Soomaaliya ay si rasmi ah ula soo wareegtay maamulka hawada Soomaaliya, wuxuna intaas raaciyay wixii hadda ka dambeeya maamulka hawada Soomaaliya lagu maamuli doono magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya !!!, ka dibna ayuu wasiirkeeno hadlay oo u badanyeen dhalacayn iyo diidnimo !! waa ayaan darro!!.

Waxay ila tahay in aano isla gaadhnay inuu maamlkan oo yahay mid liita wasaaradd ahaan iyo siyaasadd ba waayo wasiirkan ariimaha dibaddo wuu ku fashilan yahay shaqadiisa ila hada, waxaana racaaysa intaas in kartida wasiirka duulisto ay tahay mid iyadoona liidata oo dagaalkan ay soomaaliya ku soo qaaday oo xamili kari waayay, somaliland naa waxay u baahan tahay isbedelki badeli laha maamul somaliland hawadiisi maamuli kari waayay oo dad kale maamulayaan maanta !!.

U diyaar garoba inad badashan noolasheena oo doorataan xisbi siyaasadd cad leh oo somaliland qadiyaddeeda u dagaalamaya sida xisbiga Waddani Iyo Hogaanyihiisa Md. C/Raxmaan Cirro, doorta oo raaca guusha u soo dhow bulshadda Somaliland.

Khadar2244@hotmail.com