Isbedelka Umaddu Higsanayso Qaybti 8aad By Mukhtar Cilmi‏‏‏‏‏‏‏‎

waddani/ ciro

Isbedelka Umaddu Higsanayso Qaybti 8aad By Mukhtar Cilmi‏‏‏‏‏‏‏‎

Asalamu calaykum waraxmatulahi wabarakato. Waxaan halkan aad uga salaamayaa bahda Shabakada Caalamiiga ee Cadceed.com

Caawa oo ah qaybti 8 aad oo aan rabo in soo bandhigo arin u muhiim ah muwaadin walba oo somalilander ah, arinkaas oo ah garsoorka dalkeena iyo xaalada oo maanta marayo maadama ay xukuumadda madaxweyne silaanyo xukumaysay 4 sanadood maxay ka qabatay waaxda garsoorka iyo hab u socodka maxkamadaha dalka iyo kartida garsoorayaasha, waxaana ila tahay in ay xukuumadan ku fashilan tahay goobtan iyo wasaardda cadaalada oo runti ah mid haysato tayo la’aan , waxana koogu filaan xaaladaha kala duwan ee ah xabsiyadda dalka iyo hab u dhaqanka cidamaddaas ilaliyaa xabsiyaddas iyo garsooayaal u soo shaqo tagay jiibka muwaadiniinta isku haysta maxkamadaha oo ki ka lacab badan aya loo xukumaya !,marka aano falaqayno arinkan u bahaan isbedel weyn .

Xaaladda xabsiyadu waa qaar adag oo xataa khatar ku ah nafta maxaabiista jeelka caasimada hargeysa oo loo dhisay inuu qaado ugu badnaan 150 qof, ayaa lagu xareeyaa ilaa 800 sida xoolaha kanana kulmaan Cidhiidhi iyo xaalad xun oo fayo dhowrka caafimad ku salaysaan , daryeel caafimaadna oona jirin, cunto la’aan iyo xumaanba way ka dhex muuqata maxaabista, biyo yaraan iyo xaalad aad u daran dhinaca musqulaha iyo maydhashadooda baa, Xanuunada TB DA aad ayey ugu baahsan yihiin jeelka dhexdiisa iyadoo maxbuus walba la baadhin cafimaadkiisa, Waxa u raacda hab dhaqan xun ooy kala kulmaan askarta iyo shaqaalaha xabsiyada,Meelo badan waxa raashinka maxaabiistu ka hilaan ehelkooda iyo ururo samofal ah, ee ma siiso xukuumaddu waana arin xaqiiq ah oo cid walba garanayso marka mee horumarka ay xukuumaddu ku faanayso mudanayaal !!.

Dastuurka dawladeena Somaliland waxuu damaanad qaadayaa madaxbanaanida Garsoorka dalka, laakin dhab ahaan ma aha mid wax ka jiraan marka loo eego waaqica dalka ka jira, inkasata oo dastuurku mabda’ ahaan ku salaysan yahay mabaa’dida dimuquraadiyadda iyo xeerarka caalamiga haddana waxa lagu shaqeeya qawaaniin duug ah oo mararka qaar si toos ah uga soo horjeeda dimuquraadiyadda laftiida !!, Waxa jira maxkamado shaqeeya bal se waxa ka jira aqoon darro qotodheer dinaca axkaamta iyo gaabis dhinaca shuruucda sharciga si loo helo nidaam garsoor oo caadil ah ka shaqeya dalkeena, Waxa garsooriyaal ka ah boliis aan tababarnayn iyo shaqaale aan aqoon sharci u lahayn , Waxa raacda faro gelin ka timaada maamulka oo marar badan isticmaala xukunka degdega ah oo keentay inuu garsoorka dalku aan madax banaanayn baa.

Musuq maasuqa wuu dhammeeyey laan kasta iyo goob kasta oo dawladda ah waano aragna maalin walba sida loo wada taagan yahay wasaaraddaha oo mid walba sugayo laaluush inuu shaqadiisa wax ku fuliyo, mana jiro sharci xakameeya shaqaalaha ku shaqaysta aafadan hortaagan horukaca dhaqaale iyo bulsho meel kasta oo dalka ah, Waxaaba loo arkaa inaan sharciba qaban cidda ku kacda musuqa talow xafiiska hanti dhawrku muxu samiyay !!, warbixinta soo baxa waxay si cad u tilmaamaan sida musuqu ugu fiday nidaamka maamulka dawladeed ee somaliland iyo sida uu u ragaadiyey dhaqaalaha muwaadiniinta iyo horumarka bulshadda iyo sharciba, marka wasiirka cadaaladu xussen axmed caydiid hadu kala badalo garsooryaasha ma nadifanayso oorta maalin waba ka soo baxda maxkamaddaha dalkeena iyo cadaalad la’aanta ka jirta !.

Ma jiro sharci waajibinaayaa in waxqabadka dawladeed ahaado mid ku fadhiya sir la’aan iyo furfurnaan, shacabweynaha loo soo bandhigo wax kasta oo magacooda lagu fuliyo, iyo in si caam ah loo helo warbixinta qayb kasta oo xukuumaddani laakin ma dhacayso waayo ceebo kala duwan ayaa soo baxaya, Waana mid ka maqan dalkakana dhigtay la xisaabtanka dimuquraadiyaddu u baahantay mid aan suurtagal ahayn, hadaba wasaaradda cadaaladu iyo wasiirkeedaba caydeed maxay soo kordhiyeen ilayn waatan xukuumaddan ku waalatay horumar banu dalka ka fidinay garsoorkii dalka bal ka waraama, maxkamaddahan ee dhaqaalehii dalka madhiyay iyo xaraanta ay cunayaan maxay dawladdu wax ka qaban weedeye? Xukuumaddan maanta jirta way ku fashilan tahay xaga garsoorka iyo cadaaladoba ,waxaana ku haboon inay ka shaqeyaan waaxdaas inta ay ku mashqoolayaan waxyaabo kale.
Hadaba inta raacinayo oo ah waano arkaynay sida loo maxkamadiiyay saxafiyiinta dalka oo cid walba u arkaysay aar goosi qaawan, waxana ku khatimaya dalkan wuxuu ubaahan yahay isbedel weyn dhinac walba xisbiga isbedelkaas keenayana waa Waddani oo ay ragg fara badan u soo wadan kartidooda wadanka inay horumar iyo cadaalad iyo sinaan loo xukuumo looma baahna xukuumadd iyo shacabkeedu nacayb dhex yaalo, isbedelkaasna waxa hogaaminaya md cabdiramxaan cirro oo runti ka badeli kara dalkaan waxyaabo ay umaddu higsanayso waana nin xaga shuruucda dalka ku dheereya oo keeni kara nidaam cadaaladeed.

Khadar2244@hotmail.com

Mukhtar Cilmi