Jawaab kusocta Xildhibaan Siciid Maxamed Siraadle.

MAQAAL

Baadariga Kiinsadaha Jooga, Marku Dadka Islaamka Ah Ka Saarayo Diinta, Qofka Waxa Uu Ku Yidhaahda Waxa Aad Caydaa Kitaabka Kariimka Ama Diintaada. Xildhibaan Siciid Maxamed Siraadle Maanta Waxa Aad Ka Dhigan Tahay Ninkaa Kiinsada Jooga Ee Lagu Yidh Diintaada Cay

Asalamu Calaykum Waraxmatulahi Wabarakato. Waxaan Halkan Aad Uga Salaamayaa Bahda Shabakada Webstyada Dalka ee hadh iyo habeenba wararka ugu doorka roon u soo gudbiya bulshadadooda ee Salaanmedia.

, Waxa Aan Marlabaad Salaamaya Akhristayaash , maqaalkaygan waxa uu yahay jawaab xildhaan siciid maxamed siraadle, waa waxa lala yaabo in xildhibaan siciid maxamed siraanle ku tilmaamo xisbiga wadani hafar iyo habaar , waxa aan leeyahay xildhibaan siciid maxamed siraanle udub , ucid iyo wadanigba waa kuwii kaa nafwaayeene maantana ma kulmiye ayaa aad naf galin waxa aad tahay way ogyihiin xisbiga wadani, bulshadu waaa ay ogtahay in aad xisbigii  aad ka soo baxday aad lix bilood gudahood aad isku dishayn ucid, bulshadii ku soo doortay ayaa kaa nafwayday, maantana waa ayaan daro weyn in xidhilbaan kula mid ahi uu ku idhi hadii aad caayi waydo xisbiga wadani uma soo dhaameel tagaysid xisbiga kulmiye, walibna aad ahayd ninkii dagaalka af iyo adinba la galay, reer kulmiye waa ay ogyihiin waxa aad tahay, wadanina shalay ayaa aad joogtay, maantana kulmiye ayaa aad u soo dhamaal tagtay, waxa aad tahay xildhibaan umadda soo doortay oo haba yaraate aan waxba u qabin bulshadiisa, maantana waa ayaan daro weyn in lagu yidhaahdo waxa aad ka mid noqonaysaa guulwadayaasha xisbiga kulmiye, hadii aadan aflagaadeeyin xisbiga wadani, horta inta aad caayin xisbiga wadani ka soo baxa xilka aad u umadda u haysid ee ay kuu doorteen umaddu, markaas ayaa aad wax ka sheegi xisbiga wadani, waxaaba aad kala garan laadahay xilka umadda u ahaysid,

 

Xisbigii kulmiye ayaan darada haysta waxa maanta difaacaya rag maalinba aradaa taagan, ee isla leh cayda wadani xil baa lagu helaa, waxa aan kuu sheegayaa in xisbiga wadani yahay xisbiga qudha ee bulshadani gaadhsiin kara himilada ay hiigsanso umadda reer somaliland, waana xisbiga kaliya ee keeni doona ictiraafka, ay qoladan kulmiye ay geed dheer iyo geed gaabanba u koreen,  maantana waa la ogyahay taageerada iyo baaxadda uu ku leeyahay bulsho weynta reer somaliland bari iyo galbeedaba, wadani waxa uu u taagan yahay in nooca ku fashilmay siyaasadda, ee ka dhigtay dhaameelka ee maalin aradaa taagan, 

Hadalkayga waxa aan ku soo gunaadayaa hadii lagu yidh xisbiga wadani cay ama aad shilimo ku qaatay ama aad xild ku raadinaso, sidaa xil lagu ma raadiyo guul wadane lagu noqodo, ee wakhtiguna waa uu kaa dhamaaday ee tolwo kulmiyana waa uu kaa buuxa ee halkee ayaad iska soo sharaxi mar labaad siciid, waxa aan ku leeyahay cay iyo aflaago waxaba laguma helo ee diba isku noqo oo ha noqon kii saxnkii waxa ku cunay ku matagay intaasina waa iga talo,

Alla mahad leh

Qoraaga Maqaalka Mubaarik cabdi buuni