Kulan Doceed Xalay Hudheel Kaah ku dhexmaray Dhalinyarada Jiidali ee Subeer-Awal iyo Garabka Dhalinyaraada Xisbiga Waddani,muxuu kulankoodu daaranaa, maxayse isla meel dhigeen?

NEWS N

Kulan Doceed Xalay Hudheel Kaah ku dhexmaray Dhalinyarada Jiidali ee Subeer-Awal iyo Garabka Dhalinyaraada Xisbiga Waddani,muxuu kulankoodu daaranaa, maxayse isla meel dhigeen?

Hargeisa-(SM)-Waxaa xalay kulan balaadhan oo Afur iyo Casho ah ku yeeshay  Hudheelka Kaah oo ku yaala bariga Hargeysa Garabka dhalinyarada xisbiga Waddani iyo dhalinyarada la Baxday Jiidali ee Beesha Subeer -Awal oo si weyn u taageeri jiray Garabka kulmiye ee Muuse Biixi ha yeeshee ka go’ay ama ka falaagoobay Kulmiye iyo Muuse Biixiba dhawaan Markii uu Muuse Biixi heshiis aan laga baarandegin la galay Siilanyo,kana tanaasulay hiigsigiisii iyo hankiisii musharaxnimo Madaxweyne .

Dhalinyarada Jiidali oo xamaasadi ka muuqato ayaa beryahan danbe gudaha magaalada hargeysa ka oogaayey shir-doceedyo goosgoos ah iyagoo ku doodaya,kuna goodiyeya inay yihiin cududii ugu weynayd ee Kulmiye ee codkooda  ku soo saaray Madaxweyne Siilanyo maantana ay ka go’an tahay inay  codkooda ku muquuniyaan oo kursiga kaga soo daadejiyaan.

Sida xoggaha Warfidiyeenka Qarannews helay sheegayaan Garabka dhalinyarada xisbiga waddani ee Hargeysa oo martiqaadka lahaa ayaa si diiran oo kal iyo lab u soo dhaweeyay,una qaabilay Dhalinyarada Jiidali ee Beesha Subeer –Awal iyo la kulankoodaba.

Waxay xogguhu intaas ku dareen in labada dhinac isku waafaqeen inay codkooda iyo cududdoodaba mideeyaan, lana taageero Axsaabta mucaaradka sidii dalka looga badbaadin lahaa xukumada Siilanyo ee taladii dalka la soof-daran habowday.

Geesta kalena waxay labada dhinac isla qaateen inay wadahadalooda halkaas ka sii anbaqaadaan, yeeshaana kulamo iyo fadhiyo danbe oo kan ka sal balaadhan oo sida xoggaha Qarannews heshay tibaxayaan Dhalinyadara Jiidali ee Subeer-Awal codsadeen in lagu qabto Burco iyo Ceerigaabo inkastoo kulamo danbe oo ay Hargeysa lafteeda ku yeeshaan qorshaha ugu jirto ama u balameen.

isku soo wada duuboo kulankan oo ay xukumada Siilanyo shaki iyo sas weyn ka qaadey ayey markii Afurka la bilaabay soo dhoobtay agagaarka Hoolka shirku ka socday,soona buux dhaafiyey Raxan masuuliyiin ka tirsan Golaha xukumada Siilanyo wasiirna ka dhex muuqdeen iyo weliba saraakiil ka tirsan Sirdoonka  shicibka ku dhex jira si ay u dhegadhegeeyaan una tebiyaan daqiiqad daqiiqad wax meesha ka socda ama laga hadlayo  balse kulanku wuxuu ku dhamaadey  jawi degan iyo kooxahaas xuuranka oo aan dhaqdhaqaaqoodaba tixgelin la siin.

Salaanmedia/Hargaysa

Xigasho Qarannews