Kuma ayuu noqon doonaa Safiirka Cusub ee Somaliland ee Ethiopia: Nin Qabiil lagu Xulay mise Nin Qar ah?

 

 Ahmed_Abdi_eeee0086

 

Kuma ayuu noqon doonaa Safiirka Cusub ee Somaliland ee Ethiopia: Nin Qabiil lagu Xulay mise Nin Qar ah?

 

Maqaalkani waxa uu qaala dhigii doonaa sida xidhiidhka Ethiopia aynu la leenahay uu muhiimka ugu yahay dadkeena iyo dalkeena. Waayo? Ethiopia waa dal ay ku nool yihiin dadka asal-ahaanta ka soo jeeda reer Somaliland oo la xuso inay ka badan yihiin kuwa ku nool Somaliland gudaheeda. Waxaa kalo iyana ku xidhan xidhiidhka ganacsi ee aynu la leenahay Ethiopia. Xidhiidhkaasi wakhtigan ma ah mid wax faaida ah u leh Somaliland balse kaliya inagu ah khasaare (Not economic gain but an economic drain to us). Maqaalkani (as an academic article) waxa uu ka jawaabayaa su’aasha ah waa maxay sabata Somaliland uga faaidaysan laadahay xidhiidhka ganacsi iyo bulsho ee aynu la leenahay Ethiopia?

 

Maqaalkani waxa kale oo uu ku doodayaa in xidhiidhka Ethiopia iyo Somaliland sanadaddii ugu dambeeyey u baylah sii noqonayey. Taani waxaa ka markhaati kacaysa habka qabyaaladysan ee masuuliyiinta dalka iyo dalka u adeegi layid lagu soo cugo oo dabarka goostay. Taasi waata manta ina dhaxalsiisay dhibaatooyin badan oo is barkan, oo kow ay ka tahay mida masuul heeryo cuno ahi ina dhaxalsiiyey oo aan lahayn kartideeddii iyo hufnaanteeddii uu hawlaha qaranka u igamaday kaga midho dhalin lahaa (unqualified and experienced).

 

Anigu ilaa wakhtigii aan xibiga UCID ka ahaa xoghaya Iskaashiga Caalmiga mudo ka badan todoba saano waxaanu dhabarka ka riixaynay dawladdiihii iskaga dambeeyay ee Somaliland in xidhiidhka aynu la leenahay Ethiopia kor loo qaado, islamarkaana dhinacayga aan xidhiidho la samayn jiray dawlada Ethiopia inay ka korto siyaasadeeda dhaqaale ee ku wajahan in xidhiidhka ganacasi ee Somaliland ay la leedahay u noqdo mid dhinac ka raran oo 100% Ethiopia kaliya u xidhan. Waxaan kula doodnay maddaxda dalkaasi in xidhidhkaasi laga dhigo mid laba geesood ah (two pronged) oo labada dalba faaido u leh (by removing at least the trade barrier to Somaliland fishery and salt products) bal kaiya inay suuqyadeeda u furto kaluunka iyo milixda Somalinad. Ethiopia waxay xustay tusaale ahaan in sanadkii 2012 -2013 ay Somaliland Qaadka oo kaliya (drugs Qaadka) ay ka heshay $275. 4 Million doolar (source: Ethiopia Ministry of trade; International Customs point).

 

Maanta waxay Somaliland u baahan tahay nin aan ahayn maqaar saare balse sidayad oo kale garanaya; luuqadooda, dhaqankooda, dalkooda iyo dadkoodaba oo xidhiidhka Ethiopia aynu laleenahay waa cusb u bariya. Aniga waxqabadkaygi intii aan xisbiga UCID ka ahaa Xoghaya Iskaashiga Caalmiga ah iyo imikaba waxaan surto galiyey tusaale ahaan:

  1. sanaddadii 2002 in Ethiopia oo sharciyan aan siin jirin dadka dalkeeda tagaya bil wax ka badan oo VISA ah in qofka aan aniga aan u codsado safaarada Ethioia ee London 3 billood oo visa ah siin jirtay (exceptional rule at federal level), madaama wakhtigaasi uu adkaa socodaalka dadkeena qurab jooga ahi dalkeena ku tagi jiriin;
  2. Waxaan wax badan ka qaybqaatay isu soo dhawaynta iyo nabad ka aslaaxintii iyo waliba dhaqaale xumida (economic deprivation) ka jirtay gobalada Ismaamulka Soomaalidda ee Ethiopia ee dadkeenu dago. Xidhiidho badan oo la sameeyey maddaxda ugu sareeysa Ethiopia (at federal level) ayaa qab wayn ka ahaa iyo sidoo kale kuwa heer dawlad-deeganimo in nabdagalyo ay dadkeenu helaan .

 

Waxaan halka ku soo gudbinyaa qaar ka mid ah qoraalada aan arimaha Somaliland iyo Ethiopia aan kaga hadlo, kuwaasoo aad u soo sii xoojiyey xidhiidhka aan la lahaa dawlada Ethiopia oo ah mid aan ugu hiiliyo dadka iyo dalkeena Somaliland:

 

http://somalilandpress.com/somalilandethiopian-prime-minister%E2%80%99s-speech-on-somaliland-on-the-18th-may-2013-42078

http://www.somalilandlive.com/view.php?id=1501

http://waaheen.com/?p=14

Maanta maqaalkaygani wax uu fariin uu yahay maddaxwaynaha Somaliland oo baryahan fartu ku godnayid xil- gudashaddiisa inuu u igmado xilkaasi nin leh kartidaa aan kor ku xusay oo qabiil iyo dano dhow oo xisbi ka sareeya. Nin kor u qaadi kara oo cururin kara xidhiidh cusub oo midho dhala oo aynu la yeelano Ethiopia ama xidhiidhkaasi waa cusub u bariya.

 

Jawaabta maqaalkani waxay tahay in Somaliland xidhiidhka Ethiopia ay la leedahay ay waligeedba curayaamisay siyaasad xumada gofanaha ah ee qabiilka u hiilisa oo keentay inaan marna si adag looga fakarin cugashada maddaxda qaranka. Dawlada haddana waxaa looga fadhiyaa inay deg deg wax uga qabato cadceeda ka sii dhacaysa xidhiidhkii Somaliland lalahayid beesha caalamka oo maanta xadkii Ethiopia iyo Djabuuti ba xidhan yihiin.

 

Axmed Cabdi Ciise

Academic in Social Science

Isseahmed@hotmail.com