Saraakiil katirsan Al-Shabaab oo la sheegay in ay isku soo dhiibeen Ciidamada Dowlada(Aqriso Magacyadooda)

NEWS N

Saraakiil katirsan Al-Shabaab oo la sheegay in ay isku soo dhiibeen Ciidamada Dowlada(Akhriso Magacyadooda)Guddoomiyaha degmada Rabdhuure ee gobolka Bakool Xuseen C/raxmaan Maxamed ayaa sheegay in Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay isku soo dhiibeen Saraakiil katirsanaa Xarakada Al-Shabaab.Masuulkan katirsan Maamulka Gobolka Bakool ayaa Warbaahinta u sheegay in Saraakiisha katirsan Al-Shabaab ee dhankooda isku soo dhiibay ay gaarayaaan ilaa 4-nin uu tilmaamay in ay xilal kala duwan kasoo qabteen intii ay katirsanaayeen Xarakada Al-Shabaab.

araakiisha la sheegay in ay katirsanaayeen Al-Shabaab ee isku soo dhiibay Maamulka Gobolka Bakool waxaa ku jira Aadan Maxamed Aadan Dheere oo kamid ahaa Saraakiisha Al-Shabaab ee Gobolada Baay iyo Bakool iyo Sheekh Maxamed Kheyr Salaad oo isna mar soo noqday Madaxa Maaliyada Al-Shabaab ee Degmada Buur hakaba.Guddoomiyaha degmada Rabdhuure ayaa xusay in ay si wanaagsan ula dhaqmeen saraakiisha kasoo goosatay AL-Shabaab , waxa uuna ugu baaqay Saraakiisha iyo dagaalyahanada kale ee katirsan Al-Sabaab in ay kasoo tagaan kooxdaasi ayna dhankooda kusoo biiraann.

Al-Shabaab ayaan wali ka hadlin Warkan ku aadan in Saraakiil kagoosatay ay u galeen dhinaca Maamulka Gobolka Bakool ee Dowada Soomaaliya , mana jiro ilo ka madax banaan Maamulka Rabdhuure oo xaqiijinaya Saraakiishan Shabaab kasoo tagtay in dhankooda isku dhiibeen

.

Salaanmedia,/Mogdisho