MAANSO CIIDEED….curiye . waa .maxamuud cismaan faarax( moholin )

28 / 7 / 2014

ciid  wanaagsan  sannad  walba  innakoo  nabada

sannad  walba  ummadda  islaamka  oo  nabada

sannad  walba  soomaali-laan  oonabada

 

waxa  aan  salaamayaa  ummadda  islaamka  dhammaan-tood

gaar  ahaan  ummadda  soomaalida  

gaar  ahhaanna  ummadda  rerr  soomaali-laan

gaar  ahaan  ehelada  iyo  asxaabta

 

waa  ayaama  ciideed

Carraduu  islaam  dego

Laga  wada  ciyaaroo

Cisi  iyo  wanaag  badan

CAADIL ) ay  katuugaan

Soddon  kaa  cishana  farax

Yo  cibaadadii  badan

Lagu  caana  maaloo

..

Laysu  tebiyo  hadal  culus

Waaniyo  canaan  kale

Camal  kiisa  khayr-laad

Cimrigaa  fashaa  yahay

Ka  ayaanta  caane

Uu  miyaha  cadaab  iyo

Janno  lagu  carraw-shee

Ciirsila  ku  sugan  tahay

..

Ka  cafiga  ku  sii  yee

Markay  qaar  cataabaan

Yo  calaa-cal  fara-badan

Aad  cindiga  ka  negidee

Cabsidana  ka  nabad  tahay

CAADIL ) baydin  sii  yee

Isu  ciidma  weligiin

CAMMA ) IYO  ( WATIIN )  iyo

Codad  kii  ( RASUUL )  kiyo

Weheshada  cilmiga  roon

..

Maalmahan  cid  muumina

U calaamadee  wacan

Caruur  iyo  ciroolaba

Ama  caadi-gii  dhexe

Calooshiinna  xaa dhoo

cid  kastaba  walaal  iyo

la  ahaw  wax  wada  cuna

..

Bannaan  lagu  ciyaariyo

Caweys  meelo  doog-badan

Goobaha  cibaadada

Ku  sugnaada  camal  roon

Ceeb  iyo  denbiga  badan

Yaan  cagaa  la  gelinine

Fee jignaan  ku  celiyoo

Baab  kaasi  yuu  curan

,,

Cawadee-nan  khayraad 

siday  tahay  ucuriyoo

cugta  waana  fidi-yiyo

cilmi  kii  ilaah  baray

kulli  caam  bilkhayr  iyo

ku  danbeeya  ciid  wacan

 

curiye . waa .maxamuud  cismaan  faarax( moholin )