MAANSO…Maanso waano iyo waxsheeg waxa Curiyey waa MOHOLIN

MOHOLIN

 

 

 

 

 

8 / 7 / 2014

waxa  aan  salaama-yaa

warbaahinta  madaxa  bannaan

..

Maanso  la  yidhaa Waano  iyo  wax  sheeg

Aan  bilaabo

Wanaag  iyo  ducaa  lagu  hadlaa

Maalmi-hii  wacane

Wacdigiyo  (QUR,AANKIYO) xadiis

Weheshadoo  raaca

Wakhtigaad  intii-sii  badnayd

Waalif-teen  hadale

Walaaq  iyo  xumaan  baana  badi

Lagu  wareegaa-ye

Nafta  inay  dadkani  waaya  yaan

Weeye  may  garane

(WEEYNAHEEN )  ka baqa  oo  bishaa

Dhabu  walaalooba

Warmihiyo  gujada  daaya  oo

(WAAXID ) tala  saara

Booliga  wadaag  yaan  la  odhan

Weled  xalaalaynin

Waraabaha  sidiisii  ha  noqon

Aan   dhaaf  garanin

Weydaaro  muran  kii  horoo

Samo  ku  soo  weeco

Walamsiga  haddaan  xoola  qaran

Lagaba  waan-toobin

Warasadu  dabeed  kaa  dhaxlaan

Waalan  bay  noqone

Wadiiqada  qodxaa  badan  la hee

Aakhir  lagu  wiiqmo

Waddadii  cad  baa  kaaga  roon

Wahab  ku  saar-mayne

Widh widh  kaa  dhalaal  ee  adduun

Weliba  xaaraana

Waafinimo  in  lagu  gaadha-yaa

Caamo  loo  werine

Balse  wegerta  taa  laga  dhaxlaa

Waa  wareer  dhaba he

Wallihiyo  kitaab-kaa  marten

Daba  ka  weydaaro

Welwel-kii  ifkiyo-buu  dhalaa

Wiirto  aakhiro,e

Wed  hortii  qiyaasbaa  ku  roon

Labada  waa  xoode

Wigladuun  ciyaar  bawgu  daran

Wehelna  taa  moode

 

Curiye.waa  MOHOLIN