Madal kulmisay Gudoomiye Faysal Cali Waraabe,Wasiir Maxamuud Xaashi, Madaxa Ciidanka Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf (Ina Canbaro) iyo qaar ka mid ah bulshada reer Somaliland ee reer London…Nomad Restaurant London.

IMG_2274

Waxa Hotel Nomadee galbeedka magaaladda London  xalayto ka dhacday madal ay si kadisaa isugu yimaadeen wasiirka Gadiidka Cirka Somaliland Maxamuud Xaashi iyo Gudoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe,Masha oo ahayd afurkii ka dib waxa wasiirka oo Hotelka fadhiya soo galay  Gudoomiye Faysal Cali Wareebe oo si wanaagsan oo ixtiraam ku dheehan tahay ku salaamay wasiirka kadib salaan guud waxa gudoomiye Faysal u dhaadhacay qaybta hoose Hotelka oo ay shir uga socdeen Xisbiga Ucid laguna ambabaxinaayey Gudoomiye Faysal.

IMG_2262

Mudo waxoogaa laga joogo oo ku beegan 1laa 11 habeenimo wakhtiga London kusoo noqday mudane Faysal oo sheekooyin ay dhex mareen iyo is waraysi guud oo ku saabsan Somaliland iyo kaftan guud,Waxa wasiirka oo dhoola cadeeynaaya uu isaguna kaftan kaas la mid ah kusoo bandhigay madasha oo ay goob-joog ka ahaayeen qaar ka mid ah dhalinyarada iyo aqoonyahano reer Somaliland ah. Waxa kale oo madasha fadhiyey Madaxa Ciidanka Socdaalka Somaliland Maxamed Cali  Yuusuf (Ina Canbaro). Waxa kaftan ka dib la isu macasalaameeyey. 

IMG_2269

Had iyo jeer xubnaha dawladda Somaliland iyo xisbiyadda mucaaridku waxa ay hadalo dhaliil u badan isu bariyaan saxaafadda,tani se marka ay isu yimaadaan waxa aad arkaysaa in kaftan wanaaga iyo hadalo ayna turxaani ku jirin ay hadaladooda ka muuqato. Waxaanan odhan karnaa waa horumar la taalab karo oo laga sameeey horumarka iyo is fahamka bulshada dhexdeeda. Waxaana tahay in madaxda dalku mucaarid iyo muxaafid ay ogaadaan in ay had iyo jeer dantooda ka hor mariyaan ta shacabka ogaadaana in wixii khaldan la saxo wixii saxana la isugu hambalyeeyo.

Salaanmedia/London