Madaxweynaha Mareykanka oo waraaqaha Safiirnimo ka gudoomay Safiirka Somaliya ee Mareykanka

image

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Hussein Obama, ayaa waxa uu waraaqaha aqoonsiga ee Safiirnimo uu ka gudoomay Safiirka Somaliya ee Mareykanka, muddo 23 sano kadib.

Danjire Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke, ayaa Isniintii hortagey Madaxweynaha Mareykanka, markii uu ku qaabilay Aqalka Mareykanka looga arrimiyo (White House). Waxaana si maamuus leh looga soo kaxeeyay hotelka uu ka degan yahay Magaalada Washington.

Madaxweynaha Mareykanka, ayaa wuxuu si diiran u soo dhoweeyay Danjiraha Soomaaliya, ee u fadhin doono dalka Mareykanka, iyagoo isla qaatay kulan dheer oo ay kaga wada hadlayeen arrimaha labada dhinac.

Cumar C/rashiid Cali waxa uu sheegay in Madaxweynaha Mareykanka ay ka wada hadleen xiriirka labada dhinac iyo sidii loo xoojin lahaa, wuxuuna Madaxweynaha iga codsaday buu yiri inaan la shaqeeyo.

Isagoo la hadlaayay laanta afka Somaliga ee VOA, ayuu Danjire Cumar C/rashiid sheegay inuu Mareykanka kaga mahadceliyay, sida dhaqsiyaha leh ee loo soo dedejiyay in waraaqaha laga gudoomo.

 

Mar la weydiiyay halka uu ka hawlgeli doono, xilli la iibiyay Dhismihii Safaarada Somaliya ee dalka Mareykanka, ayaa waxa uu sheegay in marka hore uu kireysan doono xafiis uu ka hawlgalo, inta laga gaaraayo mudada ay Somaliya deegaan kaga sameysaneyso Mareykanka.

Sidoo kale wuxuu bidhaamiyay in uu Mareykanka kala hadli doono waxa khasbay in la iibiyo dhulkii Somaliya ay ku laheyd dalka Mareykanka, isla-markaana uu dadaal ku bixin doono sidii ay markale Somaliya u heli laheyd Xarun Safaaradeed.

Ugu dambeen Cumar C/rashiid, ayaa sheegaaya in 2-da bisha soo socoto uu Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud taggi doono dalka Mareykanka, halkaana ay isku arki doonaan Barack Obama.

Salaanmedia/Mogdisho