Madaxweyne Siilaanyo Haddii Ehelkiisa ugu Dhow iyo wuxu Dhalayba u Naxiirasan waayeen, Qaranka Somaliland Mar kale ha u Hiiliyo

Madaxweyne Siilaanyo Haddii Ehelkiisa ugu Dhow iyo wuxu Dhalayba u Naxiirasan waayeen, Qaranka Somaliland Mar kale ha u Hiiliyo

maygaag

——————————————————————————————–.

Hubaal waxa ah in Madax-Weyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo uu halgan dheer u soo maray Aasaaska, taagidda iyo in Qarankan Somaliland ahaado mid jira kana mid noqda ummadaha caalamka ee madaxa bannaan, dadka reer Somalilandna nabad iyo Barwaaqo kuwada noolaadaan.

Waa ogaanshahaa arrintaasi sababta shacabkuna ay ugu  abaalgudeen inay u doortaan hoggaanka iyo xilka ugu sarreeya qaranka.

Ha yeeshee himilladii,  hayaankii iyo higsigii dadkuba waa caddaan inay majarihii iyo sidii ay ka filanayeenba si aan dulqaadasho lahayn u fogtahay. xaggee baa sartu ka qudhuntay?

Beri muddo hore ahayd waqtiyadii u MW. Axmed wasiirka ka ahaa dawladdi Siyad Barre ayaan Jariidad la odhan jiray Africa Now waxan ka akhriyay in  qorshyaasha horumarineed iyo dhaqaale ee marar badan uu Mudane Siilanyo u soo bandhigay Genaral Barre,ha yeeshee uu ku gacan saydhay, uu noqon kari lahaa mid Somalia iyo Africaba badideeda horumar u horseedi kari lahaa haddii la qaato.

Shaki malaha in Mudane Siilaanyo yahay nin maamuli kara Qarankeenan socod baradka ah, shacbiguna rajo aad u weyn ka qabey in khibraddisa iyo cimrigiisa oo wada jiraa ay Somaliland dhaxalsiin doonto horumar la mahadiyo. Taasina tahay ta ay ku doorteen.

Maantaase muddo yar ka bacdi, waxa inoo muuqda in rajadii muddo yar six ad dhaaf ah u soo gudhayso, oo ay cad dahay in qaranku habow yahay, waxana aan isku dayayaa in aan aragtidayda ka dhiibto.      

 Ka dib markaan muddo si dhow u dersayay xaaladaha isa soo taraysay ee qarankeenu manta ku sugan yahay, waxan u arkay in tusaalahan ama sawirkan soo socdaa wax ka iftiimin karo siyaasadda taagan.  

Dareenka, dawladnimada,dedaalka ummadda, daacadnimada wadaninimo  iyo hayaanka bulshadu waa sidii dad wada saraan gaadhi guro weyn,kaaso meelna ka soo kicitimay meel cayimanna oo kalena safar ugu socda.

Gaadhiga aan ugu yeedhno “Degel MEER”. Kaasoo mar sii horraysayna farsamo xumo iyo khiyaamo is huwan lagu dhacay, maqnaanshihiisii loo darsaday, dabadeed dhiig iyo dhagar badanba lagu soo celiyay, darawaliin kala duwan oo xirfad iyo farshaxnba aynu ku tuhmaynona shookaanta u dhiibannay, ninba meel uu gaadhsiiyaba, waqtiganna Mudane Siilaanyo oo hormood ka ahaa raggii Degel-MEER soo dhiciyay ayaynu ku hubsannay iyadoo Ilaahay Mahadi ha ka gaadhee reer Somaliland mid yahay sharci dhigan leh,heshiisna lagu wada yahay mid Jabhad ahaan jiray iyo mid kaleba in Somaliland tahay wax innaga wada dhexeeya oo aynu wada ilaashanno, caddaalad qabiil, qolo, eex, hororsi hunguri iyo kala sarraynna aynu ka hufno. Sidaasna horumar Ictiraaf caalimi iyo darajo nololeed oo sarraysana dadkeenna ugu horseedno.

Darawalkii Degel-Meer oo Ah Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo oo wax badan aynu ku tamarinnay innagoo qayb ka ah wixii laysku odhan jiray Somalia, ama SNM iyo Somaliland muddodadii ay jirtayba ayaan shaki lahayn in caafimaadkiisa iyo araggiisuba noqday mid aan gaadhigeennii waddadaba ku hagaajin karayn, iska daa inhabeenno guradiisa raaxo lagu gamo’e. (Alle Caafimaad Cibaade leh ha siiyo’e). 

Innaga iyo shacabkuna yaabnay oo nidhi waar Degel-Meer waakan kolba koone ka soo go’aye yaa wada?, Waar darawalkayagii Carbasinaa ee aanu naqaannay maxaa beddeshay? Hantaaqo iyo hadimo shacabkani malaha taagba hadda uma hayo.

Suaashaa aad isu weyddiinnay, hadda se Ogaannnay… oo innamadii saarraa ee qaar carbiska darawalnimada ugu jireen baa shookaanta u fadhiya.Tababbarkii uma dhammaan weli.

Shacabkoow jenbiyada xejista, Allihii ina badbaadin jiray waa joogaaye horta xejista oo baaxa degga Degel-meer haka duulina.

Waan hubaa oo Rakaabku ma diran mana dooran ee ma duul dalambaabigii Degel-meer is xilsaaraybaa? Oo waaba gurmad, tamari meel kasta ha dhigtee malaha Ducaaba innala gudboon oo iyaguna inaga sugayaan, mise waa duul muddo yarba fursadda damcay inay darawalnimo isbidaan? Oo ka qabtaayiyo ka gaadhaay weeye intaanay jar innaga tuurin. Bulshadii Rakaabka degel-Meer ahaydoow jawaabta idinkaa iska leh. 

Waxase ka yaab badan, hababkii aynu u dhignay haddii ay dhacdoba in la darawal xumaysto, oo uu inalaba taraaro inaynu ku xakamaynno maxaa iyagana ku dhacay? (Baarlamaankii, Maxkamaddii Sare iyo Fulintii xorta u kala ahaa ilaalinta dastuurka weeyaane).

Yaabka yaabkiiye – sawtii Hand Bireegga iyo shaqadiisaba aynu u igmannay inankii khibrad darawlnimo rabay inuu isna dhowaan shookaanta inoo fadhiisto!!!  Cajiib sawkan xataa dood in laga yeesho aan inoo soo gudbin. Muddo intee le’eg baynu Mudane C/Raxmaan Cirro iyo Golayaashiisa ka sugnaa wax ka qabashada Degel-Meer oo baaxa degeya xakamayntiisii u weynaydna iyagu ku gudban oo hor fadhiya!!!.

Bulshada rakaabkoow jawaab u hela iyana.

Waxa muuqata in Inta u xigta ee shidhka hore u saaran Darawalkeennii xirfadlaha ahhan jiray, ay si badheedh ah ugu taageersan yihiin wiilasha carbiska ahaa inay shookaanta sii fadhiyaan, iyadoo ay ahayd in HabaqHabaqda Degel-meer iyo hantaaqadaba odayga looga tudho, la dhawro looguna hiiliyo nasasho maadaama uu ahaa awrkeennii muddada dheer inoo wada dhaamiyay. Haddii ay garan la’ yihiinna waa in shacabkeenna saarani dib ugu noqdaan xirfaddii meel la wada dhigtay ee xakamaynta haddii Taraar dhaco. Xataa haddii badhammada  qaarkood la rabo in maqaar la innaga saaro.

Si badheedh ah haddaan u dhigona haddii inta MW Siilaanyo dhalay ama cid u xigtaa ay u hiilin la’ yihiin, waa ku qasab, in shacabka Somaliland odayga u hiiliyo inta noloshiisa ka hadhay.

Wa Billaahi Tawfiiq   

Rasheed Cali Meigag Samater(Guddoomiyihii U.K.-Ururkii Xaqsoor)