Maxkamada Ciidanka Dalka Somalia Oo Xukun Dil Ah Ku Xukuntay Ninkii Fududeeyay Weerarkii Madaxtooyada (Daawo Sawirada)

Hargaysa:(SM)Maxkamada Darajada 1-aad ee Ciidanka Qalabka Sida, ayaa waxay maanta u fariisatay dacwad ciqaabeedka Xasan Muxudiin Xasan, ka dib markii lagu helay in uu fududeeyay weerarkii 2-aad ee lagu galay Madaxtooyada dalka Somaliya t aariikhdu markay ahayd8, July, 2014.

Xeer Ilaalinta Guud ee Somalia, ayaa waxay Xasan Muxudiin Xasan ku eedeysay in sidoo kale ka qayb qaatay dilal iyo qaraxyo kala duwan oo ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Xasan wuxuu qirtay in uu ka tirsan yahay Ururka mayalka adag ee Al Shabaab, isla-markaana uu la shaqeynaayay muddooyinkii ugu dambeeyay.

Afhayeenka Maxkamada Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliya C/laahi Maxamed Muuse (Keyse), ayaa waxa uu ku dhawaaqay xukunka dilka ah ee lagu riday Xasan Muxudiin Xasan.

Dhanka kale Maxkamada, ayaa sidoo kale waxay maanta u fadhiisatay dacwad ciqaabeedka ka dhan ah ee daysanayaasha kala ah Aadan Maxamed Xasan iyo Bashiir Xasan Maxamed, oo lagu helay inay bishan Magaalada Muqdisho ku dileen nin ka tirsanaa Wasaarada Maaliyada dalkaasi, oo lagu magacaabi jiray Maxamed Deeq Cabdi Aadan.

Afhayeenka Maxkamada, ayaa sidoo kale ku dhawaaqay xukun dil ah oo ay Maxkamadu ku riday Aadan Maxamed Xasan, halka Bashiir Xasan Maxamed isna ay ku xukuntay xabsi daa’in.

Salaanmedia/Hargaysa