Nabadoon Yuusuf Cali Boorre oo sheegay in Dawladda Soomaaliya ay dhibaato ku heyso Beesha Biimaal (DIR)

news
Nabadoon Yuusuf Cali Boorre oo sheegay in DFS ay dhibaato ku heyso Beesha Biimaal

Nabadoon Yuusuf Cali  Boorre oo kamid ah Odayaasha dhaqanka ee ka soo jeeda gobalka Shabeellaha Hoose ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay tacadiyo baahsan u geysanayaan dadka shacabka ah ee ku dhaqan gobalkaasi.

Wuxa uu sheegay ciidamada loogu yeedho ciidamada qaranka ay si qaab qabiil ah ay u beegsanayaan dadka u dhashay gobalka, gaar ahaan Beesha Biimaal.

Nabadoonka ayaa Madaxda dowlada federaalka ugu baaqay in ay wax ka qabtaan arintaan inta aysan xaalada faraha ka bixin, Beesha biimaal ayuu sheegay in ay la dagaalameyso Mooryaan kaga soo duulay gobolada dhexe oo dhibaato ku hayay shacabka ku dhaqan Gobolka Shabeelada hoose.

Hadalka Nanadoonka ayaa kusoobeegmay xilli dagaalada shabeelada hoose ay kusoo biireen dhinacyo badan oo dantooda ay tahay in ay boobaan deeganada Beelaha Biimaal iyo Digil ee Gobolka Shabeelada hoose.

Salaanmedia/Moqdisho