Qasriga Madaxtooyada oo Ay Habeenkii Xalay ahaa Isugu Yimid Gudidii Wadada Ceerigaabo Iyo Xubno Qurba Jooga Oo Lacag Ka Sida Jaaliyadaha Dibeda Qaar Ka Mid Ah

image (SM-Hargaysa) Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland Mud. Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa ka Dareen celyay qaadhan loogu tallo galay dhisma Wadada halbawlaha ah ee isku xidhi doonta Ceerigaabo iyo Burco, Wasiirka ayaa qoraal kooban oo u ku baahiyay bartuu Internetka ku leeyahay ee guusha.com wuxuu kaga hadlay qaadhanka lasoo gaadhsiiyay wuxuuna u dhignaa qoraalkaasi sidan.         “Waa Habeen Khayr Badan , Oo Aynu U Kulanay Hawl Khayri Ah”   “Aan Cod Dheer Ku Sheego Jaaliyad Walba Iyo Intii Ay Soo Direen Si Aynu Uugu Ducayno Isla Markaana Uugu Dayano..”

“Waxaa Amaan Iyo Bogaadin Gaar Ah Mudan Haweenka Hooyooyinka Ah Ee Dareemaya Xanuunka Jid La’aantu Leedahay” Waxay ahayd Caawa kadib markaan kulan la qaadanay Wakiilo ay soo wakiisheen Jaaliyado kamida Muwaadiniinta Reer Somaliland ee ku nool dalka DIbadiisa. Kulankan ayey kasoo qayb galeen Xubnaha Gudida Qaadhaan Ururinta Jidka Ceerigaabo isla markaana u daarnaa in aanu is xog waraysano isla markaana aanu ka gudoono deeq lacag ah oo Muwadiniin damiir nool leh ay ugu soo deeqeen Jidka isku xidhi doona Togdheer- Sanaag Waxaa hubaal ah in qofku waxa uu dar Illahay uula baxo uu ku helo ajar iyo xasanaad badan, sidoo kale maalmahan aynu ku jirno ee Bisha Barakaysana ay yihiin maalmo Alle intii hore in ka badan uu ku bixiyo wixii aad wanaag samayso Hadaba, aan cod dheer ku sheego jaaliyad walba iyo intii ay soo direen si aynu uugu ducayno isla markaana uugu dayano 1- Haweenka Jaaliyada reer Somaliland ee ku dhaqan Caasimada Helsinki “ Finland “ waxay ku deeqeen lacag dhan $20,000 isla markaana ay u soo wakiisheen Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha Bulshada Shukri Xariir oo dhawaan safar shaqo ku tegtay.

2- Haweenka Jaaliiyada reer Somaliland ee Mindaqada Sharqiya “Sucuudiga” waxay ku deeqeen lacag dhan $2,600 oo ay u soo wakiisheen Dr Carabayte 3- Haweenka Jaaliyada reer Somaliland ee Denmark waxay ku deeqeen lacag dhan $6,100 oo ay u soo wakiisheen Sh. Yuusuf Cabdi Cawad Waa arin lagu farxo oo bogaadin mudan sida ay jaaliyadaha reer Somaliland meel ay jooganba uugu heelan yihiin ka qayb-qaadashada dhismaha dalka, waxaa amaan iyo bogaadin gaar ah mudan Haweenka hooyooyinka ah ee dareemaya xanuunka jid la’aantu leedahay Meel aad joogtaanba ku noolada caafimaad iyo Cibaado Somaliland Guul iyo Gobonimo

Wa Bilaahi Tawfiiq.