Qorshe Xumada Xashiishka Hadheeyay Caasimida Hargaysa waa Mid ka yimi Golaha Deegaanka Hargaysa iyo Shirkadaha Qashinka.

garaad

 

 

 

 

 

Qorshe Xumada Xashiishka Hadheeyay Caasimida Hargaysa waa Mid ka yimi Golaha Deegaanka Hargaysa iyo Shirkadaha Qashinka.
Golihii hore ee deeganka Haragysa waxay laba shirkadood oo madax banaan ku waraajiyeen Caasimada Hargaysa.
Shirkadi imika waxay ka qaada
31 May, A/dhagax, M/Haybe, M/Mooge iyo Suuqa dhexe ee Hargaysa, Gaadiidka ay shirkadaasi leedahay waa sideed Gaadhi.

   horseed

 

 Sawirkani wuxu astaan u yahay Afarta waaxood iyo Suuqa dhexe waa Shirkada Kaliya ee ka SHaqaysa.

Halka Sedexda waaxood ee kalena ay ka leeyihiin Sadex shirkadood oo mid waliba Budget-keeda leedahay (Dakhligeeda leedahay) sadexdaa waaxood oo kala ah:-
26 June oo shirkad gaara ah. Halka Koodbuur iyana leedahay Shirkad Gaar ah
Halka ay Gacan Libaaxna leedahay Shirad gaara.
Mid waliban Budget-keea leedahay.
Hadaba sidee ayay Caqli gal u noqon kartaa in afartaa waaxood iyo Suuqa dhexe inay Hal shirkadi ka shaqayso oo Sideed gaadhi leh??? !!!
Aniga oo halkan dhaliil uga soo jeedinaya todoba xilibaan oo uu maayer ku xigeenku ugu horeeyo bulshadii idin soo dooratay maxaad u qabateen xashiish baa ugu yare maalina ma ka hadasheen Biyo la’aanta Caasimada Hargaysa ka jirta??
Hadaan su’aasha ka jawaabo waa maya.
Maayir waxaan kaa codsanaya adigoo leh xasaanad iyo awood ka duwan ta ay leeyihiin xildhibaanada kale anigoo kuu haya qadarin iyo xushmayn balaadhan jecela wanaagaga iyo horumarka caasimada hargeisa hadalkaygani waa toosin iyo hogo tusaalayn waxaan mar labaad iyo marar badanba kaa codsanaya maayir inaad afartan waaxood ee kala ah 31may, ahmed dhagax, maxamuud haybe, maxamed moge iyo suuqa dhexe inaad u samayso una gaar yeesho saddex shirkadood si ay ula jaanqadan sadexda shirkadood ee kale oo ka hawl gala waaxaha kale si loo dabar jaro xashiishka buux dhaafiayay caasimada hargeisa oo hor seedi kara inay ka dhashaan cuduro bulshada khatar ku ah iyo caafimaad daro.
ALLA MAHAD LEH
Qoraalkan waxa Idiin soo Gudbiyay
Garaad Mahad Maxamed Cabdi
Tell: 4854791