RAYSAL WASAARAHA SOMALILAND OO WARAMAY

CALI

 

Raysal wasaaraha somaliland oo ka waramay nidaamka siyaasi ee somaliland ka jira , wuxuuna yidhi:

1-jagada madaxwayne nimo ee somaliland waa heshiis (contract permant ah) ee maaha heshiis (contract temporary) , 
2-jagada madaxwayne ku-xigeenkuna waa sidaa oo kale .
3-waxa kale oo jira buu yidhi , somaliland waxay leedahay  raysal wasaare ka sareeya madaxwayne ku-xigeenka .
4-xafiiska raysal wasaaraha ayay shaqooyinka oo dhami hoos yimaadaan ,
5- golaha baarlamaanku wuxuu amarka ka qaataa raysal wasaaraha .
6-golaha guurtiduna dee horta sharciba kuma fadhiyaan oo  ,iyana waxa maamula khasnadda raysal wasaaraha .
7-raysal-wasaaruhu wuxuu kaloo sheegay in aan loo baahnayn in doorasho la qabto i9minka .
8-raysal-wasaaruhu wuxuu kaloo sheegay in doorashadii la filaayay sanadka danbe inay qabsoonto , ay saddex sano oo danbe dib u dhacday .
9- raysal-wasaaruhu wuxuu kaloo sheegay in doorashadii golaha baarlamaakuna dib u dhacday 2bo sano oo kale.
10- arinkii golaha guurtidana in nadaam iyo shuruuc loo sameeyo lagu soo doorto ama wixii laga yeeli lahaana , iyana 2bo sano iyo badh ayey dib u dhacday 
10-wadahadaladii iyo dib u heshiiisiin tii inaga iyo maamulka (m…..) na dib ayey u bilaab mayaan .
11-waxa kale oo uu yidhi waxa laga yaabaa mustaqbalka in jamhuuriyadeena iyo federaalka xukuumadda itoobiya aynu isku biirno (macnuhu waxa weeye federaalka itoobiya ayeynu ka mid noqonaynaa)
12-xukuumadda jabuutina waxay ku soo rogi doontaa jamhuuriyadeenaa cuna qabatayn ah (dhinaca dhulka – cirka iyo baddaba ) 
13- maamulka puntland na wuxuu qabsan doonaa gobolada bariga jamhuuriyadeena .
14-raysal-wasaaruhu wuxuu yidhi : haddii aynu hawadeena xidhno maxaa inagu dhici doona , ilayn arintaa beesha caalamku ma ogolee ?
(beesha caalamku ma hawada dhulkaaga ayey kula leedahay oo ay ka talisaa )
15-hadaba bal waxaad ka warantaa , haddii ay jamhuuriyadeenu ay shir u qabato dawladaha aan ictiraafka dunida ka haysan .
16- wuxuu kaloo yidhi xisbiyada mucaaradka waxaan doonayaa inay ku kala biiraan xisbul xaakimka , si aynu uga nasano dimuqraadiyadda iyo mucaarad nimada faraha badan .
17-wuxu kaloo sheegay in saxaafadda oo dhan la midayn doono , oo meel qudha laga wada xukumi doono , arintaasna waxaa ku jirta jiritaan keena jamhuuriyadeena .
wuxuu kaloo ka hadlay arima kale oo fara badan oo waxba laga fahmi waayay , lana garan waayay meesha uu ka keenay , iyo jamhuuriyadda uu sheegaayo iyo jamhuuriyadda uu raysal-wasaaraha ka yahay .
bal hadaba waxan ku waydiiyay : 
ma jiraa dunida jamhuuriyad madaxwayne ku-xigeen iyo wada leh raysal wasaare ?
dal keenu waxuu u baahan yahay aqoon iyo khibrad siyaasadeed iyo indheer garad nimo waayeel.
waxaanu kaloo u baahan yahay in laga shaqaysiiyo ciddii garanaysa shaqada la doonaayo .
haddii kale dee sidaas uun ha loo asqaysnaado , kolbana meel maaweelo ah ha loo dhoof dhoofe .
xiligu (wakhtigu)ilaa intee buu ina sugayaa ?
intaynuse inagu sugi karnaa ?
CALI MAXAMED BIIXIÂ