Siyaasad Xumida Xukumada Silaanyo Waa ta Somaliland gadoonka gelisay Aslaamu calaykum

siciid

Marka hore waxaan ka salamaya dhamaan bulshada somaliland meel kasta oo ay joogto guddo iyo dibeddba ramadan kareem. In kasta oo muddo aan waxba ka qorin siyaasada somaliland haddna waxa aan maanta i soo kiciyey sida xukumada silaanyo ay gadoonka u gelisay siyaasadii dibedda iyo gudaha ee somaliland. Muddo ka badan sadex sano iyo badh ayaan ka qori jiray qoraalo siyaasad xumida, eexada, qabyaalada iyo ku tagrifalka awooda dawladeed ee xukumada siilaanyo dalka ku maamusho, aniga oo arkayay in ay ina dhaxal siin doonto jahwareer siyaasadeed iyo gadoon aynu galno iyo bulshada somaliland oo is hiifta ayna inoo horseedo in ay lunto midnimadii iyo wada jirkii bulshada somaliland.
Waxa marag ma doon ah in wixii aanu qori jirnay ay maanta shacabka somaliland hortiisa yaalan oo la arko midhihii u horeeyey ee siyaasad xumada xukumada silaanyo dhashay oo ah in cirkii iyo dhulkiiba ay dalkii ku soo ooday oo ay gadoon gelisay bulshadii somaliland.
Xukumada silaanyo ayaa gadhwadeen u yihiin xigto gabood ka dhigtay xarunta madaxtooyada oo aan xisbigii kulmiye siyaasadiisii ku socon, guurti la tashan, mucaarid waxba weydiin, shacabkii soo doortay dhegeysan, saxaafad akhrisan oo guddo iyo dibbeddba dhegaha ka furaystay.
Inta ku xeeran silaanyo ayaa ah dad aan dal iyo dadka midna u tudhaynin, oo Silaanyo sumcadiisa u tudhaynin, waxayna inta badan ku faanan wado yar oo 1km ama 2km ah oo bulshadu qeyb ka mid ah qaadhaankeeda bixisay, waxayse hilmaansan yihiin bulshada oo wado 1km ah u dhisto waxa ka xun adiga oo akhlaaqiyan baabiya bulshada adiga oo isticmaalaya qabyaalad, eex iyo qaraabo kiilnimo iwm.
Xukumada silaanyo ayaa sharciyadii iyo dastuurkii wadanka baalmartay waxayna u biyeystay oo maankooda ka guuxaya in doorashada 2015 ay ku shubtaan, laakiin waxaan filaya doorashada oo ay ku shubtaan in ay horseedi doonto halaagooda oo aan bulshada somaliland u sii dul qaadan doonin dulmiga iyo dhagarta ay u maleegayaan wadanka.

Ugu danbeyntii, waxaan bulshada ugu baaqaya siiba dhalinyarada somaliland guddo iyo dibeddba inay is abaabulaan ay u diyaar garooban sidii iyaga oo isku duuban ay codkooda meel u marin lahaayeen iyaga oo ugu hiilinaya xisbiyada mucaaridka ah ee isbedel doon ka ah kii ay doonanba, si dalka looga badbaadiyo xaaladan qalafsan iyo jidka halista ee xukumada silaanyo afka u saartay bulshada somaliland.

Alla mahad leh.

Saeed A dualeh,
Bristol, UK