Urur Ay Ku Midoobeen Dhalinyaro Qurba-Jooge Reer Gabiley Ah Oo Fariin Udiray Golaha Deegaanka Iyo Shacbiga Degmadaasi

image

Hargeysa(SM)Urur Ay Ku Midoobeen Dhalinyaro Qurba-Jooge Reer Gabiley Ah Oo Fariin Udiray Golaha Deegaanka Degmadaasi

Halka Ka Akhri Warmurtiyeed Shirar Dhalintaasi Yeelatay

Shir ay isugu yimaadeen ururka dhalinyarada ceelbardaale ee wadanka Norway ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Oslo, maalintii sabtidii 12/july/2014. Arima fara badan ayaa la isla soo qaaday oo ay ka mid ahaayeen
Horumarinta gobolka Gabiley
Khilaafka ka taagan golaha-deegaanka ee Gabiley
Marka u horaysay waxa halkaa ayaado quraan ah iyo wacdi ku saabsan rabadaanka ka Akhriyey sheikh C/risaaq C. faarax.
Waxa ku xigay, in xubnaha iyo bulshada reer gabiley ee magaalada Oslo halkaa ay isku dhaafsadeen afkaartooda. Waxa guntiii iyo gababagabadii shirka la isku raacay: Qodobadan hoos ku qoran.
In loogu baaqo golaha degaanka iyo mayarka Gabiley in ay si dhakhso ah u xaliyaan murannka siyaasadeed
In la dardar-galiyo horumarka gobolka
In tanaasul uu labada dhinacba uu ka yimaado
In aan marnaba la ilaawin waajibaadka inaga saran sidii aynu kor ugu qaadi lahayn nolosha umadeena
Alle ayaa mahad leh
Waa,
Gud. CabdiRixiin Sh. Daa’uud
Gud-ku-xig. Suldaan Keyse
Xoghaye Kawsar Cabdi