Waano iyo Waxsheeg Ramadaan…Curiye . waa . moholin

MOHOLIN

29 / 6 / 14
Waxa aan salaama-yaa warbaahinta
Madaxa bannaan
Waxa aan salaamayaa umadda
Islaamka meel ay joogaan ba
Ramadaan mubaarak sannad walba
Idinkoo khayr iyo Baraka ah

Waa halabuur wax sheeg iyo
Waano ramadaan

Waa ayaama barakale
Iftiin-keenna dunidiyo
Waa bishii ilaahay
Axkaam-tiyo ( QUR,AAN ) kiyo
Soo rogay ammaan-kaa
Dadku eeganaa-yee
Intifaaca laga helo

( AL-RAXMAAN ) siduu yidhi
Wuxuu aadmi falo khayr
Isagaa dhammaan-ba leh
Bishan amarka weynee
Umadaha la yidhi soon
Ilaa yoom idlaadoo
Eedaanka fiid kii
uu adimayo shiikhii
wax afkaa la gelinayn

Wuxu yidhi anays-kale
Ajarkeeda bixiyoo
Mana iisho ruuxii
Siday tahay u aadaa
ilaaqaha denbiga dhala
Yo afxumaba joojee
Edebtiyo xishood kiyo
Ahlul khayrka weheshada
Dan yar tiyo agoon tiyo
Ubadkaa derbiga yaal
Eegmada kalgacal iyo
Yaan ogaalka laga tegin

Ka adduunka haystaa
Faqiirkaa agtiisa ah
Lagu eega yaayoo
Imtixaan ( RABBAA ) jira
Haka awdin dhega-hoo
Isha yaad ka lalinine
Adigay dankuu tahay

Aa wadood denbiga badan
Oo gadaada yaaluu
( ALLA ) kaaga dhaafaa
Ajar buuran baa yaal
Waxaad maal abuurtee
Ka amuugan dacalada
Intaad sadaqaday-saad
Abid kaaba leedee
Balsidaa ogsoonaw

Axsaan tiyo wanaagiyo
Eraygii xishmayn-laa
Samo kuu abuuree
Afka bara jacayl-kiyo
Hadal-kii islaam-nimo
Ifka laguma waaroo
Aa khiraa danbaysee
Yaad urursan booliga

Sida looga eed baxo
Manta aadamaa jira
Addoo weeye daacada
Satalayt adduun-kaa
Wax kastaba arkaayoo
Lama aamusiin karo

Curiye . waa . moholin